Rasmi: Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliyeed oo shaqada ka ceyriyay macalinka reer Morocco.

0
Wednesday June 16, 2021 - 08:49:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi: Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliyeed oo shaqada ka ceyriyay macalinka reer Morocco.

    Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Macalinkii xulka Qaranka Cabdiladiif Salef in uu si xun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Macalinkii xulka Qaranka Cabdiladiif Salef in uu si xun



Xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in shaqada laga ceyriyey macalinkii xulka Qaranka dalka Soomaaliya Cabdiladiif Salef, kaasi xilka tababaranimo haayay wax ka yar seddex isbuuc.


 

Qoraal ay soo saareen xiriirka ee kubadda Cagta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in tababaruhu yahay mid aan anshax lahayn, isla markaana ku eedeeyay in uusan laheyn xirfad-yaqaannimo.



Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Macalinkii xulka Qaranka Cabdiladiif Salef in uu si xun ula dhaqmay xiddigaha Qaranka, uuna aflagaadeenayay tan iyo markii uu qabtay xilka tababaranimo.


 

Cabdiladiif Salef Macalinkii Ocean Stars ayaa ahaa Muwaadin reer Belgium ah asal ahaanna ka soo jeeda Morocco, waxaana xilka tababaranimo uu haayay wax ka yar seddex isbuuc.


 

Ciyaartooda xulka Qaranka Soomaaliya ee Ocean Stars ayaa ku sugan dalka Jabuuti, iyagoona isku diyaarinaya in 20-ka bishan la Ciyaaraan xulka Qaranka dalka Cumaan kulan ka tirsan is reeb reebka koobka Aduunka ee Jaamacada Carabta.

Loading...
Loading...