Siyaasiga Barkhad Jibriil Faarax Oo Ka Hadlay Xisbiga WADDANI iyo Doorashaddii Cabdikariim Mooge

0
Wednesday June 16, 2021 - 08:39:21 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Barkhad Jibriil Faarax Oo Ka Hadlay Xisbiga WADDANI iyo Doorashaddii Cabdikariim Mooge

    Siyaasiga Barkhad Jibriil Faarax Oo Ka Hadlay Xisbiga WADDANI iyo Doorashaddii Cabdikariim Mooge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Barkhad Jibriil Faarax Oo Ka Hadlay Xisbiga WADDANI iyo Doorashaddii Cabdikariim Mooge


Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Barkhad Jibriil Faarax oo ka mida Siyaasiyiinta waa wayn ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay doorashooyinkii isbarkannaa ee goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland oo 31-kii bishii May ka qabsoontay guud ahaan Somaliland.
Muusow Hadaad Somaliland Ka Dooratay Ina Riyo Raac Geellaaga Hakuu Raaco Ee Adiguna Is Casil"….Siyaasi Barkhad Jibriil

Siyaasi Barkhad Jibriil Faarax waxa kale, oo uu ka hadlay loollanka uu Xildhibaan Cabdikarriim Maxamed Moogge ugu jiro hanashadda Maayirka Caasimadda Hargeisa, taasoo uu sheegay inaan cod badnaan lagu helin Maayirnimadda, balse ruuxa qabannaaya Maayirka loo raaco nidaamka dawladdaha hoose, oo dhiggaaya inay iska dhex doortaan Xubnaha u soo baxay golaha Deegaanka, isagoo iftiimiyay inay 17-ka Xildhibaan ee Hargeisa u soo baxay ay xaq u leeyihiin doorashadda Maayirka hoggaamin doonna golahaas cusub ee Deegaanka.

"Xildhibaan Cabdikarriim Ahmed Moogge waa run oo codkii ugu badnaa ee Xildhibaan gole Deegaan ku soo baxo ayuu helay, laakiin taas macnaheeddu maaha innuu Maayir yahay ama Maayirnimo loo doortay, waxaan qabaa in golaha cusub ee Deegaanku ay iyagu xaq u leeyihiin inay iska dhex doortaan Maayirnimadda. Ta kale waxaad mooddaa Xildhibaan Cabdikarriim Ahmed Moogge innuu dhawr kaadh isticmaallaayo,waayo Cabdikarriim waxa uu ka soo baxay Xisbi mucaarid, marka Xisbigiisa WADDANI iyo Xisbiga UCID la isu geeyo aqlabiyadda golaha Deegaanka Hargeisa iyagaa leh, markaa aniga sabab uu u laba canleeyaa iima muuqato."

Siyaasiga Barkhad Jibriil Faarax waxa uu ka hadlay heshiiskii ay hore u wada gaadheen labadda Xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, isagoo u soo jeeddiyay inay heshiiskaas fulliyaan oo sidiisii loo hirgeliyo.

"Xisbiyadda WADDANI iyo UCID hore waxay u wada gaadheen Heshiis, kaas oo dhiggaayay in Maayirka Hargeisa la siiyo Xisbiga UCID, halka Maayirka Burcana uu Xisbiga WADDANI uu u balan-qaadday Xubin ka soo baxay Xisbigaas WADDANI, markaa waxaan leeyahay Xildhibaan uu hore Xisbiga WADDANI ugu balan-qaadday hala siiyo, Hargeisanna Xisbiga UCID haloo daayo." Ayuu yidhi Siyaasi Barkhad Jibriil Faarax

Loading...
Loading...