Maayarkii Hargeysa Oo Lagu Kala Calaf Qaaday, Fashilka Soltelco Iyo Madaxtooyada Oo Isdhiibtay

0
Tuesday June 15, 2021 - 19:48:47 in News by
  • Visits: 2642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maayarkii Hargeysa Oo Lagu Kala Calaf Qaaday, Fashilka Soltelco Iyo Madaxtooyada Oo Isdhiibtay

    Maayarkii Hargeysa Oo Lagu Kala Calaf Qaaday, Fashilka Soltelco Iyo Madaxtooyada Oo Isdhiibtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarkii Hargeysa Oo Lagu Kala Calaf Qaaday, Fashilka Soltelco Iyo Madaxtooyada Oo Isdhiibtay


Maayarkii hore ee Caasimadda Hageysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) oo ka mid ahaa xubnaha Golaha deegaanka ee dib loo soo doortay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay oo muddoba gucle ugu jiray sidii uu mar labaa xilka maayarnimo ee caasimadda Hargeysa ugu soo bixi lahaa ayaa gabi ahaanba isaga hadhay tartanka loogu jiro xilka Maayarnimo ee caasimadda Hargeysa.

May be an image of 3 people, people standing and indoor


Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in uu gabi ahaanba faraha ka qaaday tartankii uu ugu jiray in uu mar labaad ku soo laabto xilka Maayarka caasimadda Hargeysa oo uu tan iyo in muddo ah ku taamayay in uu ku soo laabto taasi oo uu faraha ka qaaday maadaama uu waayay aqlabiyaddii xubnaha loo soo doortay Golaha Deegaanka Hargeysa.

Fashilka ku yimid qorshihii ex. Maayar Soltelco ayaa loo sibir saarayaa dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin is-bahaysiga siyaasadeed ee ay sameeyeen xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo golahan ka dhigaya mid ay aqlabiyaddiisa iyagu haystaan, sidaa darteed maadaama uu isagu ka soo baxay xisbul xaakimka aanay xubnaha muxaafidka ahi u buuxin Karin tirada uu ku guulaysan karo iyo qodobo kale oo ay ka mid yihiin taageero uu ka waayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay isna in uu gaabsaday dagaal siyaasadeed oo uu Soltelco kula galo sidii uu u kasban lahaa codadka Xubnaha Golaha Deegaanka.

Ilo-wareedyada wargeyska Foore shalay ka helay qaddiyadda la xidhiidha fashilka ku yimid tartankii Ex. Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid waxa ay noo sheegeen in kulan gaar ahi shalay dhex maray isaga iyo Mudane Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan oo ka soo baxay xisbiga WADDANI ahna xubinta ugu codadka badan xubnaha loo doortay Golaha Deegaanka Hargeysa dhammaantood, kulankaasi oo la iskula soo qaaday tanaasulka uu tartanka kaga hadhay ee uu shaaciyay. Cabdiraxmaan SOLTELCO ayaa haddaba shalay galab ku xaqiijiyey fashilka ku yimid hankiisii waxaanu yidhi: "Talo-soo jeedinta Madaxweynaha kadib waxaan ku qancay inaan ka noqdo hankaygii ahaa inaan u tartamo maayarka caasimadda Hargeysa. Waxaan leeyahay xildhibaannada aadbaad u mahadsan tihiin. Waxa kale oo aan u mahad celinayaa Madaxweynahayga tallaabadaasi ii soo jeediyey. Waxaan halkan uga hambalyaynayaa saaxiibkay Cabdikariin Axmed Mooge oo ah ninka aan uga tanaasulay in uu noqdo maayarka Caasimadda. Taageerayaashayda way ku adag tahay waan ogahay oo muddo ayay soo xarbiyayeen laakiinse kursigu laba uma qaybsamo. Kursiga qof uunbaa ku fadhiista. Haddii aan la isu hannayna waxa ay noqotaa fool xumo. Si aanay taasi u dhicin waxaan walaalkay Cabdikariin Axmed Mooge oo muddo ka badan 30 sano aanu saaxiib ahayn aan uga tanaasulo. Cabdikariin colaadi nagama dhaxayn tartanka kursiga aan ku fadhiyay isna uu doonayay ayay ahayd. Cabdikariin waa nin wanaagsan oo aan ogahay in uu hanan karo kursigaasi. Cabdikariin waxa uu wax ku noqon karaa oo uu ka dhabayn karaa filashada badan ee aad ka qabtaan iyo ballan qaadka uu sameeyey waa shacabka oo cashuurta bixiya. Anigu ka tagi maayo golahayga. Golaha ayaan dhex fadhiyayaa odaygii magaalada iyo maayarkoodii hore ayaan noqonayaa sidaasaanan ku dhex joogayaa haddii Alle idmo” sidaa waxa yidhi Maayarkii hore Cabdiraxmaan Soltelco.

Cabdiraxmaan SOLTELCO ayaa mar walba culayska ugu weyn kala kulmayay Cabdikariin Axmed Mooge maadaama xisbiyada Mucaaridka ahi isku raacsanaayeen in ay ku heshiiyeen Maayarka iyo Maayar xigeenka taasi oo keentay in ay wiiqanto tartankii SOLTELCO sidaana uu goor dambe ku muujiyo in uu xilkaasi isaga hadhay.

Inkasta oo tiro ahaan ay xubnaha KULMIYE ugu soo baxay Golaha Deegaanka Hargeysa ka yar yihiin wadarta Xubnaha ugu soo baxay xisbiyada Mucaaridka ah haddana waxa uu mar walba Maayarka hore rajo ka qabay in uu taageerada xukuumadda iyo Madaxweyne Muuse Biixi ku heli karo xubno Mucaaridka ka soo baxay oo dhinacooda loo soo xero galiyo balse waxa ay xaajadu faraha ka baxday markii Jimcihii uu xisbiga Mucaaridka ah ee UCID si rasmi ah u shaaciyey in ay WADDANI gaar ahaan Cabdikariin Axmed Mooge u tanaasuleen iyada oo uu halkaasi Faysal Cali Waraabe ku shaaciyay sida ay labada xisbi uga go’an tahay in ay Cabdikariin Axmed Mooge kula tuntuunsadaan xilka maayarnimo.

Si kastaba ha ahaatee maalinimada Salaasada ee Berri oo Bishan June 15 tahay ayaa la filayaa in ay fadhiistaan xubnaha 17-ka ah ee loo soo doortay Golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa kuwaasi oo iska dhex dooran doona Maayar iyo Maayar ku xigeen waxaana loo badinayaa in ay xilkaasi ku soo baxaan Cabdikariin Axmed Mooge oo WADDANI ka soo baxay oo noqon doona Maayarka iyo Khadar Axmed Cumar (Khadar Nuur) Oo isna noqon doona Maayar ku xigeenka kaasi oo ka soo baxay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID. Magaalada Berbera ayaa maanta lagu kala calaf qaadayaa iyada oo ay muuqato in maayarradii magaalooyinka waaweyn sidaasi looga fara maroojiyey xisbul xaakimka, sidoo kalena uu faro-madhnaan ka joogo shir-guddoonka Wakiillada. Sidoo kale waxa Iyana maanta fadhiisanaya golayaasha deegaanka ee Boorama iyo Ceel-Afweyn.


Loading...
Loading...