Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Luuqad Cusub Kula Hadlay Muuse Biixi, Kana Waramay Wejiga Doorashadu U Yeeshay Somaliland

0
Tuesday June 15, 2021 - 14:40:45 in News by
  • Visits: 4389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Luuqad Cusub Kula Hadlay Muuse Biixi, Kana Waramay Wejiga Doorashadu U Yeeshay Somaliland

    Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Luuqad Cusub Kula Hadlay Muuse Biixi, Kana Waramay Wejiga Doorashadu U Yeeshay Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Luuqad Cusub Kula Hadlay Muuse Biixi, Kana Waramay Wejiga Doorashadu U Yeeshay Somaliland

Hargeysa(HWN):-Xildhibaanka dooran ee golaha wakiilada somaliland Barkhad Jaamac Batuun ayaa luuqad ka qabow tii lagu yaqaanay kula hadlay Muuse Biixi iyo dawladiisa.


May be an image of 1 person


xildhibaan Barkhad Batuun ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee hada taagan iyo halka uu ka istaagay Muuse Biixi waxaanu ku yidhi qoraalkiisa:- 

Si kasta oo aynu u kala aragti siyaasi duwan nahay, si kasta oo aynu iskugu hayno hanashada hoggaanka dalka, si kasta oo xurguf siyaasaddeed oo xadhig gaadhay ina soo kala martay, haddana maanta garashada iyo gobonimadu waxay i faraysa in aanan kaala masuugin libintaada iyo laab furnaantad ku qabatay doorashooyinki isku sidkana ee dalkeena ka dhacay. Hambalyo ayaan ku leeyahay Madaxweyne.

Arinta Maayirka Caasimaddana in aad hab odeynimo ku dhammeyso waa kuu guul kale iyadana mar labaad hambalyo! Maadama oo aanad il siyaasaddeed ku eegin ee rabitaanki shacabka aad tix-galisay. Waxa aan rejaynaya in Doorashada Guddoonka Baarlamaankana iyo Maayirada kale ee Magaalooyinka dalka Gobonimadeeda aad ku darsan doonttid kana fogaan-doontid wixi sumcadaada siyaasaddeed iyo guud ahaan sawirkeena doorasho dhaawac u keenaya. rabitaanka xildhibaanada goolaha aad xaq dhowri doontid sidaad rabitaanka shacabka caasimadda u tix galisay.

Waxa sharaf iyo karaamo leh labada Guddoomiye ee Xisbiyadda Mucaaradka ah, Koomishanka Doorashooyinka, Ciidamada qalabka sida iyo Shacabka qaaliga ah ee qarankeena oo garbaha kula qabtay doorashadi dalka ka dhacday.

Duufaannadii siyaasaddeed ee dareenka shacabka ku yimid doorashadeennii saldhigeedu ahaan jiray qabiilkana u bedellay qarannimo. Waxa ka dhashay rejo iyo haykal dawladnimo. Taasi waxa ay ii sawiraysaa isbeddello waaweyn oo siyaasaddeed.

Dalal badan oo dunida ah ayaa Somaliland si lama filaan ah dano siyaasaddeed iyo iskaashi dawladdeed la gali doona; waliba guulo waaweyn ayay horseedi doonaan, ma foga oo dhawaanna waynu arki inta aad xilka Madaxweynenimo hayso waa haddii aanad adigu dib u burburin sawirka maanta saaxadeena siyaasiga ahi yeelatay.

Dal ahaan waxa aynu barnay dawladdaha dunida cashar cibro iyo cajab leh oo citiraafkeeni sabab u noqon kara, ma garan karo in hadda Citiraaf imanayo inta aad Madaxweynaha tahay iyo in uu ku soo beegmi doono Cirro oo Madaxweyne ah.

Guulaha is dabajooga ahi ee dalkeennu waxa ay ku yimaaddeen, kuna sii socon doonaan isku duubnida waddaniyadeed ee Mucaaradka iyo muxaafadkuba muujiyeen, walaalnimada iyo wadajirta shacabka sharafta badan muujiyeen, ilaalinteenna amni oo ah hantida ugu weyn ee aynu haysanno. Haddii sidaa mid loo ahaado, danta guudna ta gaar laga horreysiiyo, waxa aynu filanaaba waa Somaliland oo calankeeda caalamka la sudhay. Mudnaanteennu waa Somaliland Midnimadeeda.

Loading...
Loading...