Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Xubintii Golaha Deegaanka Berbera Ee Kulmiye La Safatay Maayarkana U Sahlay

0
Tuesday June 15, 2021 - 14:26:50 in News by
  • Visits: 5071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Xubintii Golaha Deegaanka Berbera Ee Kulmiye La Safatay Maayarkana U Sahlay

    Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Xubintii Golaha Deegaanka Berbera Ee Kulmiye La Safatay Maayarkana U Sahlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Xubintii Golaha Deegaanka Berbera Ee Kulmiye La Safatay Maayarkana U Sahlay

Hargeysa(HWN):-Xoghayaha arimaha bulshada xisbiga Waddani Maxamed-Sidiiq Dhamme ayaa ka hadlay xubintii golaha deegaanka Berbera ee ka tirsanayd xisbiga Waddani balse la safatay xisbiga Kulmiye.
May be an image of 1 person, beard and suit


xoghaye Dhamme ayaa qoraal uu soosaaray waxa uu shacabka ugu baaqay inay dabagal ku hayaan mudanayaashii golaha deegaanka ee ay doorteen, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

Xildhibaankaad dooratay halkuu ku danbeeyay ?

Masharrax kasta oo guulaystay waxa u codeeyay shacab isbedel doon ah waxaanu sidaa rejada kumanaan bacad u istaagay oo danahooda u baylihiyay in uu metelo, maalmihii ololaha waxa uu ballanqaaday waxqabad loo riyaaqay waxaanu ballan iyo wacad kula galay dadka doortay in uu ugu adeegayo daacadnimo,xilkasnimo iyo metelaad dhaba.

Xildhibaanka laba jeer dhaartay ee marba qolo ugu wacad galay in uu iyaga raacayaa waa xujaysanyahay if iyo aakhiro, kitaabka lagu dhaariyayna wuu ku gefay madaama marka horena lagu dhaarinaayay laaluush iyo lacag in uu codka siiyo, musharraxaasi dhaarta saddexaad waata ummadda loo dheeriyay maxaase laga fili toddobaad gudihii xubintabgole deegaan ee saddex jeer la dhaariyay.

Xubinta gole deegaan ee ka dhuuntay dadkii soo doortay ee halka uu galay la waayay ee aan kusoo celin taladii dadkii uu metelaayay wuu nasiib daran yahay, golaha muddadaa uu joogana filmaayo in uu horseedi doono isbedel madaama la yeeshay isagoon kursiga weli fadhiisan oo uu metelaada ku daahfuray dus-dus.

Xubinta gole deegaan ee sida neef xoola ah oo saylad jooga saddex jeer la baayacay ee kolba dillaal gacanta dhiibay, ninka ummad masiirkeed siistay lacag ee aan qadarin dadka uu metelaayay rabitaankooda saw isna la’aad maaha, wuxuu metelaa hungurigiisa waxa maraya iyo calooshiisa ee ma metelo kaasina ummaddu u codaysay.

Ninkasta oo maayarnimada ku doonaaya lacag, adduun iyo iib rabitaankiisu waa kursiga. marka uu korana kaas ayuu yaqaan oo ka samaynayaa adduunkii ka galay helidiisa. maayarka iski kalosoon ee aaminsan qiimihiisa wuxuu fagaaraha keenaa aragti iyo afkaar lagu raaco.

Waxaan boogaadinayaa xubnaha xilka, dhaarta, wacadka iyo ballanta garanaaya qiimaheeda ee aan la siisan adduun iyo lacag, dadkaasi waa dad mudan in la qiimeeyo. isbedelka u weyn ee aynu rabnaa waa qof aan la lahayn calooshiisa iyo caqligiisa oo xora.

Loading...
Loading...