Kenya Oo Ka Hadashay Dib U Furashada Safaaradeedii Muqdisho

0
Tuesday June 15, 2021 - 10:58:12 in News by
  • Visits: 1251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Ka Hadashay Dib U Furashada Safaaradeedii Muqdisho

    Kenya Oo Ka Hadashay Dib U Furashada Safaaradeedii Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo Ka Hadashay Dib U Furashada Safaaradeedii Muqdisho

Kenya iyo Soomaaliya waxay dib ugu soo laabteen dhabbihii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ka dib khilaaf daba dheeraaday oo labada dal ka dhaxeeyay tan iyo sanadkii hore.


Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa Isniintii maanta shaacisay in ay ku dhaqaaqi doonta tallaabo dib loogu furayo safaaraddeedii Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan.

Kenya waxay dhinaceeda ku casuuntay Safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu ku laabto Nairobi oo uu shaqadiisa dib u bilaabo.

Arrintan ayaa waxay imaaneysaa maalmo kadib markii Kenya ay dib u fasaxday hawadeeda duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya iyo kuwa ka baxaya Kenya.

Soomaaliya ayaa horay u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya bishii Diseembar 2020, iyadoo ku eedeysay xadgudubyo joogto ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida Soomaaliya iyo faragelinta arrimaha gudaha.



Loading...
Loading...