Kenya Oo Dib u Fureysa Safaaraddeeda Muqdisho, Casuumadna u Dirtay Tarsan

0
Tuesday June 15, 2021 - 08:46:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Dib u Fureysa Safaaraddeeda Muqdisho, Casuumadna u Dirtay Tarsan

    "Qoraalka Kenya ayaa jawaab u ahaa qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qoraalka Kenya ayaa jawaab u ahaa qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya"

Dowladda Kenya ayaa maanta sheegtay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu furi doonto safaaraddeedkii magaalada Muqdisho kadib soo jeedin ka timid dowladda federaalka Soomalaiya.


Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sidoo kale lagu casuumay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu kusoo laabto Nairobi, oo uu dib u billaabo howlihiisa.



Qoraalka Kenya ayaa jawaab u ahaa qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, 11-kii June, oo Kenya looga codsaday inay dib u furto safaaraddeeda Muqdisho, si xiriirka labada dal uu caadi ugu soo noqdo.


"Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ku war-gelineysaa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya inay soo dhoweeneyso casuumadda dowladda federaalka ee ah inay dib usoo celiso xiriirkii diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka.


Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa 10-kii June sheegtay inay dib u furtay duulimaadyadii dalkaas uga iman jiray Soomaaliya iyo kuwii tegi jiray, oo ay hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May.


War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu sheegay inay go’aanka qaadatay, ayada oo la eegayo dhex-dhexaadin la sameeyey. Kenya ma shaacin cidda sameysay dhex-dhexaadinta.

Loading...
Loading...