Dagaal Beeleedyada Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhaca oo kordhay
Saddexdii sannadood ee la soo dhaafay ayaa la sheegayaa in deegaanka Soomaalida ee waddanka Itooobiya ay ka dhaceen dagaallo beeleeydyadii ugu badnaa muddooyinkan dambe, kuwaas oo galaaftay dad badan, halka duunyo badanina ku waxyeellowday.
Dagaalladaasi ayaa sida la sheegay badanaa ay sababaan dhul beereedyada, daaqsinka iyo ceelashaba, kuwaas oo dadka xaalka deegaanka la socdaa sheegeen in aanay dhici jirin xilligii maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.
Hasayeeshee hoggaanka nabadgalyada ee deegaanka ayaa ku adkaysanaya in deegaanka uu haatan ugu ammaan badan yahay horumarna uu usii dheeryahay.
"Xaaldda amni ee gobolku si guud waa mid deggan aad u fiican dalka si guudna meesha ugu deggan ah, markaa inta la xasuusto taariikhiyan xaaladda deegaanka midda nabadgelyada waa markay ugu wanaagsanayd" ayuu yidhi kuxigeenka Hoggaanka Nabadgaluyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxa'ed Axmed Gureey
Hoggaanka nabadgelyada ayaa dhanka kalena in ay suuragal tahay mararka qaar in wax dhacaan, waxa dhacaana aanay sidaa u cuslayn weligeedna ay dhici jirtay.
Waxaana uu ku sababeeyey waxyaalaha isqabsiga keena baahida taalla miyiga
"biyaha oo yar oo lagu heshiin waayo, laba nin oo meel beeralay marka roobku da'ao isku qabsan oo aniga beeranaya iyo anigaa beeranaya yidhaahdaan ama daaqsinka kale oo ah waxyaalo la xidhiidha nolosha caadiga ah ee reer guuraaga ah. Waana mid dhici jirtey taarkhiyin, gobol walba iyo deegaan walba oo Soomaalidana way ka dhacaan" ayuu yidhi Maxamed Axmed Guray.
Tan
iyo markii uu dhacay maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar, waxaa kordhay
furfurnaan iyo xorriyadda hadalka ee guud ahaanba deegaanka Soomaalida
ee Itoobiya.
Taas
oo maamulku deegaanku ku tilmaameen in ay tahay waxa keenaya baahidda
iyo maqlidda warkaas, maadaama oo haatan dadku ku dhiirradan in ay
sheegaan waxa ay doonayaan, sida oo kalena ay farta ku fiiqin dhaliilaha
ay is leeyihiin way jiraan, ha ahaadaan dhanka maamulka, amniga iyo
guud ahaanba siyaasadda.
Taas oo mararka qaarkood ah waxyaalo wax ka jiraan, halka mararka qaarna ay tahay ku tidhi ku teen iyo dhaliilo aanay waxba ka jirin oo laga yaabo in lagu durayo cid si gaar ah loo diiddan yahay.
" Annaga waxay waayadan arrintani war u noqotay ee dareenka saxaafadduna u hadal haysaa, dadku nabad bay heleen muddo dheer baan laga hadli jirin wax horumar iyo nolo kale oo aadamaha kabta, oo waxa laga hadlaa colaad iyo dhimasho ahayd. Sanqadheenuna waxay ku yarxidhan tahay in la raadiyo meel xamaasi ka yara jirto. " ayuu yidhi kuxigeenka Hoggaanka Nabadgaluyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxa'ed Axmed Gureey
Ka
hor intii aanu is bedelku ka dhicin deegaanka iyo guud ahaan ba dalka
Itoobiya, waxa ay hay'adaha xuquuqda aadanaha u doodaa sheegi jireen in
falal xuquuqda aadanaha lid ku ahi ka dhacaan deegaanka oo ay sababtana
ku sheegeen jabhadihii hubaysnaa ee maamulka la dagaalamayey iyo
falcelinta maamulku kaga hortagayey kooxahaas oo keeni jiray in shacab
aan waxba galabsan ay labada dhinac ba dhibaatayn jireen iyaga oo ku
eedaynaya in ay dhanka kale taageerayaan.
Magaalada Jigjiga ayey dhowr goor rabshado ka dheceen tan iyo bishii aguast, 2018-kii. Xilligaas waxaa halkaa ka dhacay rabshado ay dad ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen, waxaana lagu gubay kaniisad iyo xarumo ganacsi.
Guud ahaan, rabshadaha qowmiyadaha dalkaas Itoobiye dhexmara waxay sababeen in ay barakacaan ugu yaraan 2.4 milyan oo qof, sida ay Qaramada Midoobey sheegtay.
Dalkaasi
Itoobiya oo dadkiisu lagu qiyaaso 100 milyan, ayaa lagu wadaa in bishan
21-deeda doorasho ka dhacdo, inkasta oo dawlad deegaanka Soomaalida dib
loo dhigay.
BBC