Gudoomiyaha Komishanka Oo Doonaya In Wiil Uu Adeer U Yahay Ku Badalo Xildhibaan Ka Soo Baxay Gobolka Sool

0
Monday June 14, 2021 - 23:53:58 in News by
  • Visits: 3901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Komishanka Oo Doonaya In Wiil Uu Adeer U Yahay Ku Badalo Xildhibaan Ka Soo Baxay Gobolka Sool

    Gudoomiyaha Komishanka Oo Doonaya In Wiil Uu Adeer U Yahay Ku Badalo Xildhibaan Ka Soo Baxay Gobolka Sool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Komishanka Oo Doonaya In Wiil Uu Adeer U Yahay Ku Badalo Xildhibaan Ka Soo Baxay Gobolka Sool


Gudoomiyaha gudida doorashooyinka qaranka Mr Cabdirashiid Riyo raac ayaa doonaya inuu wax isdaba marin indho adayg weheliyo ku soo saaro wiil uu adeer u yahay uuna isaga laftiisu ka sharaxay gobolka Sool kaasoo ka mid ahaa tartamayaashii ku hadhay tartankii doorashada golaha wakiilada ee dalka ka qabsoomay 31 May 2021.

Eryashadii Riyo-raac, Rogaal-celintiisii iyo Riyadii Xalay: Muxuu Fasirkeedu Noqon Karaa?


sida aanu ka helay ilo ku dhowdhow xafiiska doorashooyinka qaranka wiilka uu doonayo inuu Cabdirashiid Riyoraac booska u boobo waxa lagu magacaabaa Cabdillaahi Aadan Maxamed oo kaalinta afraad ka galay musharixiintii xisbiga Ucid ee gobolka Sool. Wiilka uu doonayo inuu booskiisa ka qaadona waxaa lagu magacaabaa Axmed Jaamac Saalax oo kaalinta sadexaad kaga soo baxay musharixiintii xisbiga Ucid uga sharaxnaa gobolka Sool.

Mr Riyoraac ayaa la sheegay inuu xafiiska komishanka dhexdiisa ka billaabay qas iyo wax is daba marin taasoo ay isku seegeen xubnaha kale ee komishanka qaranka Somaliland.

Riyoraac oo aan wax gacana ka geysan doorashooyinkii inoo qabsoomay bishii May oo Hargeysa iska fadhiyey wax aqoonana aan u lahayn hawlaha doorashooyinka ayaa dhaawac iyo fuulxumo aan laga soo waaqsan u gaysan kara dadaalkii ay sameeyeen xukuumada, xisbiyada qaranka shacabka Somaliland iyo komishanka qaranka ay ku hirgeliyeen doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka qabsoontay bishii May ee aynu soo dhaafnay.

 


Loading...
Loading...