Qaar Ka Mid Ah Shaqaalihii Ka Shaqaynayay Doorashooyinkii Somaliland Oo Aan La Siin Lacagtoodii

0
Monday June 14, 2021 - 16:39:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid Ah Shaqaalihii Ka Shaqaynayay Doorashooyinkii Somaliland Oo Aan La Siin Lacagtoodii

    Qaar Ka Mid Ah Shaqaalihii Ka Shaqaynayay Doorashooyinkii Somaliland Oo Aan La Siin Lacagtoodii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar Ka Mid Ah Shaqaalihii Ka Shaqaynayay Doorashooyinkii Somaliland Oo Aan La Siin Lacagtoodii
Hargaysa (HWN) Qaar ka mid ah Shaqaalihii ka shaqanayey doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay dhammaadkii bishii hore ayaa sheegay in aan la siin lacagtii ay ku shaqaynayeen ilaa hadda,waxaanay sheegeen in aanay garanayn sababta rasmiga ah ee ka dambaysay arrintanShaqaalahan Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ee ka shaqaynayey doorashooyinkii Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay dhammaadkii bishii hore ee May 2021-ka ayaa sheegay in aan la siin lacagtoodii,taas oo ay sheegeen in ay ilaa hadda ka maqan tahay.



Geesta kalena Shaqaalahan Komishanka doorashooyinka ee Gobolka Maroodijeex oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso ayaa Wargeyska Waaberi u sheegay in aanay hayn ilaa hadda lacagtii ay ku shaqaynayeen,waxaanay sheegeen in hubiyayaashii iyo Guddoomiye ku-xigeenadii goobaha Codbixinta Gobolka Maroodijeex aan wax lacag ah,kuwaas oo ka hawlgelayey 699 goobood ee codbixinta Gobolka Maroodijeex.


Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ku saabsan arrintan,marka laga yimaado shaqaalahan Komishanka Doorashooyinka Gobolka Maroodijeex ee sheegay in aan la siin ilaa hadda lacagtii ay ku shaqaynayeen doorashooyinkii Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka dhacay bishii hore.

Loading...
Loading...