Calaacalka Ex. Wasiir Hinda Gaanni Ku Muujiyay Guul-Darradii KULMIYE Oo Naxli Badan Ka Dhalisay Burco

0
Monday June 14, 2021 - 16:22:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calaacalka Ex. Wasiir Hinda Gaanni Ku Muujiyay Guul-Darradii KULMIYE Oo Naxli Badan Ka Dhalisay Burco

    "Siyaasiyiintaa waxaan leeyahay waxba yaanay tabashadu idin gayn meel aan maayar lagaaga ogolayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Siyaasiyiintaa waxaan leeyahay waxba yaanay tabashadu idin gayn meel aan maayar lagaaga ogolayn"

Hargesa,- (HWN)- Hadalkii ay shalay warbaahinta Marisay Wasiirkii hore ee shaqo-galinta qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha Bariga Burco ayaa waxa uu Magaalada Burco iyo guud ahaan Gobolada Bari ee dalka ka dhaliyay xaalad siyaasadeed oo hadal haynteedu badatay iyada oo Baraha Bulshada iyo Goobaha dadku isugu yimaad si weyn looga hadal hayay hadalkaasi oo keenay saamayn taban oo siyaasadeed in badanina ay ku tilmaantay mid qabyaaladaysan oo dadka kala kaxaynaya.



Marwo Hinda Jaamac Gaanni oo daba socotay hadal uu habeen hore warbaahinta siiyay Maayarkii Hore ee Magaalada Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad ayaa waxa ay xisbul xaakimka iyo taageerayaasha beesha Bariga Burco si weyn ugu canaanatay guul-darrada ka soo gaadhay doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka qabsoontay iyada oo sheegtay in shacabka Somaliland gaar ahaan deegaamada ay ka soo jeedaa aanay u codayn xisbiga WADDANI ee ay ku adkaystaan xisbigooda iyada oo sheegtay in aanay madaxda xisbiga WADDANI doonayn in siyaasiyiinta beesheeda Bariga Burco ay xataa Maayar ka noqdaan Magaalada Burco sida ay hadalka u dhigtay hadalkaasi oo noqday kan reebay hadal haynta badan aadkana loogu dhaliilay.


Wasiirkii hore ee shaqo-galinta qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo la hadashay Telefishanka SAHAN waxa ay sheegtay in xisbiga WADDANI uu dadka deegaankeeda u diiddan yahay in ay helaan saamiga hogaamineed ee Burco taa baddalkeedana ay taageerayaasha KULMIYE ee deegaankeeda ku dhiirri galisay in aanay waligooda taageerin WADDANI iyo Musharraxooda Madaxweyne.


Wasiirkii hore ee shaqo-galinta qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa hadalkeedan doodda badan dhaliyay waxa ay ku tidhi sidan: "Maxamed Cabdiraxmaan Muraad, waa maayarkaygii hore imikana waxaan u hayaa ixtiraam aad u weyn. Waxaan ku diirsaday oo aan u hambalyaynayaa sidii uu uga hadlay xaaladda Burco. Jalleeco libaaxlow jiidhkaaga cadaw ma jaro. Aadbaad ugu mahadsan tahay hoga-tuska iyo wax u sheegga iyo waayo aragnimada iyo in aad qaadato guul-darrada xisbigeennii KULMIYE ee Gobolkaaga ka dhacday ama gobolada Somaliland ba. In KULMIYE isaga oo shalay kursigii Madaxweynaha ku fuulay codadka dalka oo dhan boqolkiiba shan iyo konton in uu maanta golayaashii deegaanka iyo wakiillada boqolkiiba soddon uu ka helaa waa ayaan darro aan aad iyo aad uga tiiraanyoonayo. Waa arrin u baahan in wax laga qabto oo wax laga saxo oo dib u eegis lagu sameeyo. Gabaygii Aadan Tarabi ayaan ku cabbirayaa guul-darrada xisbigii KULMIYE ka soo gaadhay dalka ee Gobol walba lagaga soo adkaaday iyada oo taageerayaashiisii gobolka joogay ay xisbiyo kale soo cammireen oo ay cadho gaysay oo iyaga oo aan xisbigaa qalbiga ka ahayn haddana ay musharraxooda geeyaan. Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee deegaankayga waxaan leeyahay waar nin ku yidhi sinnaan mayno adna buri sarrayntiisa. Waad dhagaysanayseen maayarkeennii Muraad. Waar nin aan kuu ogolayn inaad maayar noqoto sideed adiguna ugu ogolaanaysaa Madxweyne in uu noqdo. Waxaan sheegayaa oo xusayaa siyaasiyiintii deegaankayga ee hore xataa aan Madaxweynaha ugala hadlay ee tagidooda xisbiyada mucaaridka ay saamaynta yeelatay. Kuwaasi ayaan ku hal qabsanayaaye waxaan leeyahay haddii geel jire geela uu jiri jiray uu ka tago oo geel kale tago waxa uu korodhsaday in la yidhaa hashaa magaceed. Siyaasiyiintaa waxaan leeyahay waxba yaanay tabashadu idin gayn meel aan maayar lagaaga ogolayn.”. Ayay tidhi wasiirkii hore ee shaqo galinta iyo arrimaha bulshadu.

Loading...
Loading...