Guddoomiye Saleebaan Oo Bilaabay Hirgalinta Dabanida Soohan Ee Muuse Biixi La Maagan Yahay Xisbiyada Mucaaridka

0
Monday June 14, 2021 - 16:15:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Saleebaan Oo Bilaabay Hirgalinta Dabanida Soohan Ee Muuse Biixi La Maagan Yahay Xisbiyada Mucaaridka

    "Waad ka doodeen oo waad Ogolaateen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waad ka doodeen oo waad Ogolaateen"

Hargeysa,- (HWN) – Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Somaliland ee Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa fadhigii Shalay ee Golaha Guurtida ku wargaliyay inay todobaadkan isku diyaariyaan inay boodhka ka jaffaan Wixii xeerar ah ee horyaala golaha guurtida islamarkaana ay ka shaqaynayaan inay deg deg isku dhaafiyaan.


Gudoomiye Saleebaan Maxamuud aadan ayaa sidoo kale ku wargaliyay Golaha Guurtida inaanay todobaadkaasi wax kale qabanayn Xildhibaanada Golaha Guurtidu ee ay keli ah hawsha xeerarkaasi iyo isdhaafintooda uun ka shaqaynayaan todobaadkan, isagoo dhinaca kalena u sheegay mudayaasha Golaha Guurtida Somaliland ee fadhigii shalay ka soo xaadiray , inaanay xeerarkan uyaalaa uga baahayn hawl bdan ee ay hore u uga doodeen islamarkanaa ay u ansixiyeen balse ay kali ah u hadhayn uun hawl yar iyo sidii loo gudbin lahaa ee ay isku dhaafin lahaayeen.



Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo arimahan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Waad ka doodeen oo waad Ogolaateen, Warqaddaha uunbaa la idiin dhiibayaa, Todobaadkaasi hawl kale oo aan qabanaynaa majirto, Wixii xeerar ee yaal ayaynu gudbinaynaa, wixii kalena u gudbiya, Arbacadana waan shaqaynaynaa haddii ay inagu khasabto, xeerarka ayaynu guda galaynaa Barito, sidaasi iyo nabadgalyo”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay.


Sikastaba ha noqotee, waxa xeerarkan uu Gudoomiye Saleebaan boodhka ka jafayo ka mid ah Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta siyaasadda Xeer Lr 14/2011, oo ay hore wax kabadel ugu soo sameeyeen Golihii hore ee Wakiiladda ee hadda kuraasta banneeyay, waxaana xeerkan dul hoganaya dano gaar ah oo lagu karbaashayo Axsaabta Mucaaridka WADDANI Iyo UCID. Meelaha xasaasiga ah ee xeerkani ee wax ka badelka lagu sameeyay waxa ka mid ah Mudo xileedka Gudoomiyayaasha Xisbiyada oo lagu ekaysiiyay laba jeer "Two terms” wax ka badan inaanu Gudoomiye Xisbi noqon Karin, sidoo kalena aanu laba jeer wax badan musharax Xisbi soo noqon Karin.


Dhawaqan ka soo yeedhay Golaha Guurtida Shallay ayaa u muuqda mid lagu cabsi galinayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo haddii uu Madaxweynuhu saxeexo wax ka kabadelka lagu sameeyay Xeer 14/2011 islamarkaaba saamaynaya Xilkiisa Gudoomiyenimo, iyo waliba sidoo kale hamigiisa inuu mar kale iskusoo sharaxo Musharax Madaxweyne.


Wakhtigan la dhaqaajiyay Xeerkan ayaa ku soo beegmaya Xili ay iskaashaan buuraysi siyaasadeed samaysteen Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo ay ku doonayaan inay isku filaysiiyaan Kuraasta Shirgudoonka Golaha Cusub ee lasoo doortay ee Wakiiladda. Waxa muuqata inuu xeerkani yahay dabinada qarsoon ee uu Madaxweyne Biixi u qorshaystay inuu kaga aargoosto haddiiba ay u midoobaan WADDANI iyo UCID sida hadda muuqata, lamana garanayo waxa ay kaga jawaabi doonaa.

Loading...
Loading...