Marka laga hadlayo dhiig la'aan/ANEMIA, waxay dadku moodaan in qofka dhiiggi ka dhamaaday.

0
Monday June 14, 2021 - 12:12:33 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marka laga hadlayo dhiig la'aan/ANEMIA, waxay dadku moodaan in qofka dhiiggi ka dhamaaday.

    Dhiig la'aantu ma ahan hal nooc, waxaase jira dhowr nooc, hase yeeshee midda ugu badan wadamada s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhiig la'aantu ma ahan hal nooc, waxaase jira dhowr nooc, hase yeeshee midda ugu badan wadamada s



Dhiig la'aantu waa sida adigoo kirli shaax/shaah ah haysta balse sonkortu ku yartahay, tayadi baa yaraatay ma ahan tirada.

Dhiiggu wuxuu ka kooban yahay unugyada dhiigga cad, kuwa dhiigga cas, unugyada dhiig xinjirowga, iyo qaybta dheecaanka/plasma oo ah qaybta ay ku dhex dabaashaan unugyada dhiiggu, haddaba marka aan ka hadleyno dhiig la aan, waxaan ka hadleynaa cillad ku timi unugyada dhiigga cas.


Unugyada dhiigga cas waxay ka kooban yihiin, wax la yiraahdo hemoglobin HB/qaybta oksijiinta jirka.
qaybtani waxay muhiim u tahay in cuntada loo bedelo tamar, waana wax aaney la;aanteed noloshu jiri Karin.

Haddaba dhiig la’aantu waa in unugyadi dhiigga cascasaa ay yaraadaan ama jirradaan taas oo sababta in HBgu yaraado isla markaana wixii oksijiinta inoo qaadayey saas ku yaraadaan.

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah
1. Ciddiyaha faraha oo sidii qaaddo camal soo gota.
2. Indhaha gudahooda oo caddaada.
3. Wadna garaac
4. Daal iyo tabar darri.
5. Neef tuur.

Dhiig la’aantu ma ahan hal nooc, waxaase jira dhowr nooc, hase yeeshee midda ugu badan wadamada soo koraya sida soomaaliya, waa nooc loo yaqaan (iron defiance anemia) nooca macdantu ku yaraatay.
Dhiig la’aanta noocaan ah waxaa sababa in qofku aanu helin ama jirkiisu qaadan waayo macdanta muhiimka u’ ah unugyada dhiigga cascas.

Daweynta waxaa ka mid ah dhiig ku shubid, tan oo dadka wacyigooda caafimaad hooseeyo aaney fahmin,
Ayna dhacdo markii la yiraahdo qofku waa dhiig ku shubid in ay u qaataan halis caafimaad.
Haddaba waxaan is xasuusineynaa dhowr arrimood.

1. Haddii dhakhtarku adiga ama qofkaleba u sheego in dhiig ku shubid dawadiisu tahay haku degdegin in aad diiddo ama waxyaalo kale kula meeraysato sida nafaqayn iyo wax la mid ah.

2. Qudaarta cagaaran waxay kor u qaaddaa ama xoojisaa dhiigga cascas.

3. Dhiig la’aanta soo noqnoqta mararka qaar waxay sheegtaa kansarka dhiigga raaca ama kansarro kale, saas owgeed ha dhayalsan hadaad ku ogtahay ehelkaaga ama adiguba.

Fiiro gaar ah: haddii qofka dhiiggu ka daato ama dhaawac ha keeno ama fooli ha keentee, waxaa dhacda dhiig la aan.


Dr Zarqaawi.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...