Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Xisbiga Waddani Oo Isla Gartay Cida Ay Gudoomiye U Dooranayaan

0
Monday June 14, 2021 - 12:00:27 in News by
  • Visits: 4458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Xisbiga Waddani Oo Isla Gartay Cida Ay Gudoomiye U Dooranayaan

    Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Xisbiga Waddani Oo Isla Gartay Cida Ay Gudoomiye U Dooranayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Xisbiga Waddani Oo Isla Gartay Cida Ay Gudoomiye U Dooranayaan


Hargeysa(HWN):-Hoggaanka sare ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxaa ay maanta kulan wadatashi ah la qaateen Xildhibaannada golaha Wakiillada ee Xisbiga WADDANI ka soo baxay.

Kulanka oo ka qabsoomay Huteel Ambsador ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi, Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyiin oo ay ka mid yihiin mudaneyaasha xilka wareejinaya.

Hoggaanka xisbiga WADDANI, ayaa Xildhibaanada ugu soo baxay golaha Wakiillada siiyay xog warran iyo talooyin ku aaddan waayo aragnimadooda shaqada golaha Wakiillada.

Waxaanay hoggaanka xisbigu kula dardaarmay Xildhibaanadan sidii ay uga dhabayn lahaayeen waxyaabaha bulshada Somaliland ka filayso ee ay Qaranka ugu igman yihiin iyo sidii ay ugu adkaan lahaayeen siyaasadda Xisbiga WADDANI ee ay ka soo baxeen, islamarkaana xoogga u saari lahaayeen sidii Isbahaysiga Mucaaradku ugu guulaysan lahaa shir guddoonka Golaha Wakiillada.

Xildhibaanada, ayaa waxaa ay dhankooda ka hadleen qorshahooda iyo sida ay uga go’an tahay taabbo-gelinta masuuliyadda loo igmaday.






Loading...
Loading...