Xukuumada Oo Shaacisay Wakhtiga Xiliga Ay Goleyaasha Deegaanadu Yeelanayaan Fadhiyada Ugu Horeeya

0
Monday June 14, 2021 - 11:57:23 in News by
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Shaacisay Wakhtiga Xiliga Ay Goleyaasha Deegaanadu Yeelanayaan Fadhiyada Ugu Horeeya

    Xukuumada Oo Shaacisay Wakhtiga Xiliga Ay Goleyaasha Deegaanadu Yeelanayaan Fadhiyada Ugu Horeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Shaacisay Wakhtiga Xiliga Ay Goleyaasha Deegaanadu Yeelanayaan Fadhiyada Ugu Horeeya


Hargeysa(HWN):-Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa shaacisay xilliga ay yeelanayaan fadhigooda ugu horreeya golayaashii deegaan ee dhawaan la soo doortay, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda.




Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaah gudaha oo ku saxeexan yahay wasiir Maxamed Kaahin, ayaa lagu sheegay xilliga la ansixinayo xubnaha golaha deegaanka ee degmooyinka dalka iyo wakhtiga ay fadhiisnayaan kal fadhigooda ugu horreeya.

Degmada Hargeysa waxa la ansixinaayaa xubnaha golaha deegaanka 15 bishan aynu ku jirno ee Juun, waxayna kalfadhigooda ugu horreeya yeelanayan 17 bishan.

Degmada Burco ee gobolka Togdheer waxa la ansixinaayaa xubnaheeda golaha deegaanka 15 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 19 bisha.

Degmada Boorama ee gobolka Awdal waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 14 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 16 bisha Juun ee sannadkan.

Degmada Berbera ee gobolka Saaxil waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 14 bisha Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelnayaan 15 bishan Juun.

Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 16 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelnayaan 19 bisha.

Degmada Laascaanood ee gobolka Sool waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 17 bishan Juun, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 19 bisha.

Degmada Sheekh waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 16-06-2021, waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 16.06.2021

Degmada Gebilay waxa la ansixinayaa xubnaheeda golaha deegaanka 15.06.2021 waxayna kalfadhigooda kowaad yeelanayaan 17.06.2021.


Loading...
Loading...