Guulaha Waaweyn Ee Muse Biixi Iyo Caqabadaha Uu Ka Gudbay

0
Monday June 14, 2021 - 09:50:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guulaha Waaweyn Ee Muse Biixi Iyo Caqabadaha Uu Ka Gudbay

    W/Q: Hamse riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Hamse riiraash
Madaxweyne mujaahid muse intuu dalka hayay waxa uu ku guulaystay la dagaalkan musuqa iyo meelo badan uu kusoo celliyay gacanta dawlada.


Waxa uu si waafiya uga shaqeeyay soo afjaridii collaadihii ka taagnaan jiray barriga gaar ahaan ceel afweyn.


Waxa uu safaro yaableh uu iskugu gaala bixiyay barriga isaga oo gaadhay turuq iyo meelo badan oo ah jiida xadka.



Muuse wuxuu la kulmay xilli dawlada farmaajo ay ka dhalatay muqdisho taa oo awoodoodii oo dhan isku geysay cadaadinta iyo cabadhunta qadiyadda Somaliland.


Xilli ay xataa dhalinyaradòodii ay saameeyeen si ay u xagar daaciyaan qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.


Kaa oo uu dhabar adaygay cadaadista qaawan waxa ay u muuqata ka dib markay federaalku xidhiidhka u jareen waddan ku yaal galbeedka afrika ii uu booqday madaxweynuhu.


Madaxweynuhu wuxuu ka shaqeeyay amaanka mandiqada iyo hagaajinta nidaam hoosaadyada.


Madaxweynuhu waxa uu inoo ururiyay lacagihii taa oo uu inoogu qabtay doorosho ay la dhacaan dhamaan dhinacyada iyo axsaabta Somaliland.


Inagamay caawin ururada caalamka midowga yurub toona iyo kuwa ku shuqulka leh arrimaha doorooshooyinka.


Waxa ay haweenku si siman u galleen tartanka iyaga oo sameeyay isku dayo dadaaleed balse xagga sare kamay suuroobin midaas.


Dhamaan Madaxweynuhu wuxuu meesha ka saaray xanaftii ka dhalatay dooroshooyinka hore. dooroshadan waxa ay noqoto doorosho mucjisa ah waana doorosho isku soo dhawaysay qaluubaha Somaliland. Wax fara gallina xukuumadu kumay samayn doorosho xiisaheedihi lahayd mahadhana reebtay ahayd.

Hamse riiraash
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...