Boqor Maxamed Boqor Ciise oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geerida Marxuum Cabdi Waraabe

0
Saturday May 11, 2019 - 13:15:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Maxamed Boqor Ciise oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geerida Marxuum Cabdi Waraabe

    Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe isagoo ku hadlaaya magaciisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe isagoo ku hadlaaya magaciisa

iyo ka Qoyskiisa waxa uu Tacsi u dirayaa goleyaasha Wakiillada, Guurtida, Madaxda dhaqanka, Waxgaradka, Waayeelka, Qoyska, Ehellada, qaraabadda iyo guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikarriim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe)



Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu sidoo kale, Tacsi gaar ah u dirayaa Xaasaskii iyo Ubadkii uu ka tagay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdikarriim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe).


Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu Marxuum Cabdi Waraabe ku siffeeyay Astaantii Nabadda ee gayiga soomaaliyeed, waxa uu ahaa Nabaddoon soomaaliyeed. Waxa kale oo uu ku tilmaamay Marxuum Cabdi Waraabe ruux ilaa maalintii uu kaalin qaadday Cibaaddo badan, oo dadka wanaaga fara, Nabadda iyo Walaalnimada jecel iyaganna isku jiidda.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...