Muj. Xasan Ciise Jaamac Oo Dadka Reer Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geerida Marxuum Xaaji Cabdi Waraabe

0
Saturday May 11, 2019 - 13:10:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muj. Xasan Ciise Jaamac Oo Dadka Reer Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geerida Marxuum Xaaji Cabdi Waraabe

    Hargeisa(HWN):- Madaxwayne ku xigeenkii Hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac isagoo ku hadlaaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):- Madaxwayne ku xigeenkii Hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac isagoo ku hadlaaya
magaciisa iyo ka Qoyskiisa waxa uu Tacsi u dirayaa goleyaasha Wakiillada, Guurtida, Madaxda dhaqanka, Waxgaradka, Waayeelka, Qoyska, Ehellada, qaraabadda iyo guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikarriim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe).



Xasan Ciise Jaamac waxa uu sidoo kale, Tacsi gaar ah u dirayaa Xaasaskii iyo Ubadkii uu ka tagay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdikarriim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe).


Xasan Ciise Jaamac waxa uu Marxuum Cabdi Waraabe ku siffeeyay Astaantii Nabadda ee gayiga soomaaliyeed, waxa uu ahaa Nabaddoon soomaaliyeed. Waxa kale oo uu ku tilmaamay Marxuum Cabdi Waraabe ruux ilaa maalintii uu kaalin qaadday waxa uu ahaa qof Cibaaddo badan, oo dadka wanaaga fara, Nabadda iyo Walaalnimada jecel iyaganna isku jiidda.


Wuxuu ahaa Nabaddoon halgan adag u soo galay aas-aaska Jamhuuriyadda Somaliland wuxuuna ka mid ahaa waayeelkii tirada yaraa ee u guntaday nabadeynta iyo dawlad dhiskii qaranka, wuxuu ahaa tiir ka mida aqalka guurtida Somaliland, wuxuuna ku suntannaa maalin iyo habeen inuu u hagar baxo geediga nabadda Somaliland.



Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...