Bilowgii Kacdoonkii Iftiinka (Enlightment revolutionary) Ee ka bilaabmay eurupe Qarniyadii 17aad -20aad.

0
Sunday June 13, 2021 - 10:17:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bilowgii Kacdoonkii Iftiinka (Enlightment revolutionary) Ee ka bilaabmay eurupe Qarniyadii 17aad -20aad.

    Dadka Badankood Xilligaas waxa ay u arkayen Tijaabadaas Uu sameyay Francisco Howkesbee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka Badankood Xilligaas waxa ay u arkayen Tijaabadaas Uu sameyay Francisco Howkesbee


No description available.


Bilowgii Qarnigii 17aad Hokusbee oo ahaa saynis yahan U dhashay Wadanka England aya waxa uu Sameeyay Tijaaboyin Ku saabsan Korontada, waxa uu Sameeyay dhalo Wareegsan, Waxa uu Awooday inu Ka saaro Hawada ku jirtey dhalada gudaheeda isagaoo isticmaalaya Machine Cusub Tubeka Hawada bananka u saara (Air Pump), Isago ku xidhay Dhalada Gacan uu ku wareejiyo, Mid Mid ayaana Loo damiyay Shumacyadii ka baxayay qolka,Francis waxa uu dul dhigay Gacantiisa Dhalada, dadkii uu usoo bandhigayay Waxa ay arkeen Wax Layaab leh, Gudaha Dhalada waxa ka arkeen iftiin leh Mid buluug ah oo Layaab leh,Iftiin aysan Hore u arag Cid kale.

Dadku Maysan Fahamsaneen Waxa uu la micno yahay iftiinkan, Xitaa saynisyahanku Qudhiisu kama uusan Haysan wax Aragto ah oo Wayn.

Howkesbee Ma uusan dareensaneen Xilligaas inu Bilaabay Casri Cusub iyo Kacaan Koronto Oo ka bilaabmay Eurupe.

Dadka Badankood Xilligaas waxa ay u arkayen Tijaabadaas Uu sameyay Francisco Howkesbee inay Tahay shaqo uu ilaahay wax ka geystay (A work From God), iyado Loo isticmali Jirey Tijabadi Koronto Ee Howskesbee Sida Madadaalo Indho sarcaad oo kaleh.

- 1720meeyadii Isna waxa sameeyay Tijaaboyiin Cusub oo Kasii waday mesheedii Howshi uu dhexda uga tagayHowskesbee, Stephen Grey oo ah Xidigiye (Astronemor) u dashay isna wadanka england, isagoo isticmaaalaya Mashiinkii Houkesbee, Sidoo Kale wuxu sameyay Leexo ka samaysan labo Qayb oo uu Ku xidhay Labo xadhig oo silk ah, Iyo Caleemo dahabiya (Gold leaves), Stephen Gray waxa uu ku dul Jiifiyay Wiil Yar Labadii Leexo, Isagona Hortiisa dhigay Caleemihii dahabka ahaa, kadib waxa uu Ka shaqaysiiyay Mashiinkii Houkesbee isago kusi xishay Wiilka yar Bir (Conducting Metal Rod). Isago usoo dhawayeey Labadiisa gacmood Caleemihii dahabka ahaa, hal mar Stephen iyo dadkii dawanayayba waxa ay arkeen Calemihii Oo ka dhaqaaqay meshoodi kuna dhagdhagaya Gacmaha Wiilka yar iyado ay la socoto Dhimbilo (Sparks).

Sidaas ayaa wuxu ku Cadeeyay stephen Gray in Korontadu aykasoo dhaqaaqi kartoh Mashiinka una dhaqaaqi kartoh jidhka bani adamka. Isago sido kaleh u Qaybiyay walxaha Gudbiye (Conducters) Iyo Ma gudbiye (Insulaters).insulatersku Ma Gudbiyeen wax koronto ah oo Chargeska dhexdooda ayay ku hayan uma ogolaadaan inay dhaqdhaqaan Sida Silk, dhalada (Glass) Ama timaha. Halka Conductersku ay u ogolaadan inay Dhaqaaqan chargeska gudahooda ku jira sidana ku Gudbiyan Korontada sida jidhka iyo Birta.

FG: Greekiskii Hore iyo Masaradii Horeba wax ayay ka yaqaneen Korontada iyo Isticmali jirey Labo Shay inay isku Xoqaan si ay uso saaran elecrical shock.


Sawirka 1aad: Mashiinkii Haukesbee


Sawirma 2aad: Tijaabadii Stephen Grey

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...