Dhacdo aad wax badan ka baran doonto isku day in aad aqriso marka hore!.

0
Sunday June 13, 2021 - 10:07:39 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo aad wax badan ka baran doonto isku day in aad aqriso marka hore!.

    wuxuu u yeeray seddexdii shakhsi wuxuuna ku yiri, Waxaan idin aqaanaa sannado, mid walbana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wuxuu u yeeray seddexdii shakhsi wuxuuna ku yiri, Waxaan idin aqaanaa sannado, mid walbana




Director/Agaasime shirkad ayaa go'aansaday inuu sameysto ku xigeen uuna shaqada qaar u wakiisho ku xigeenkiisa. wuxuu u baahday qof geesi ah oo caqli badan, sidii uu isaga yaraantiisii ahaa oo kale.

Waxaa jiray seddex shaksi oo sida uu doonayay ah una qalma jagadaas, mana uusan ogeyn kan ugu habboon ee uu jagada u dhiibayo.

ka dib wuxuu go’aansaday inuu adeegsado xikmad oo uu la yimaado imtixaan.

wuxuu diyaariyey saddex shandadood oo isku mid ah wuxuuna dul saaray miiska dushiisa.

wuxuu u yeeray seddexdii shakhsi wuxuuna ku yiri, Waxaan idin aqaanaa sannado, mid walbana waa shaqaale wanaagsan oo heelan. Waan ku faraxsanahay shaqadiina laakiin waxaan u baahanahay hal ku-xigeen, laakiin way igu adag tahay inaan sameeyo xulashada.

wuxuu farta ku fiiqay sadex shandadood oo miiska saaran oo uu sheegay in booska uu heli doono qofkii ka gudba imtixaanka.

wuxuu codsaday in la sawiro xaalad. waxay uyimaadeen macmiil aad muhiim u ah oo qadarin mudan si ay heshiiska ula saxiixdaan. macmiilku waa uu degdegsanaa mana sugi karin, waana in qandaraaska la saxeexaa imika.

qandaraasku shandada ayuu ku jiraa, laakiin furayaashii ayaa lumay. waxaad haysataan daqiiqad aad ku furtaan shandada adinka oo adeegsanaya mindidaan yar, ciddii marka hore furta waxay noqon doontaa agaasime ku xigeenka cusub.

saddexda ninba madaxa ayay ruxeen ayaga oo doonayay in ay bilaabaan, laakiin agaasimuhu wuu joojiyay. wuxuu yiri hal shuruud oo kale ayaa jirta asaga oo la hadlayay macaamiilkii, haddii ay bilaabaan tartankaan oo ay ku guuldareystaan ​​inay furaan shandada, markaa dhamaadka sanadka ma heli doonaan gunooyinkooda/bonuses.

ama way iska dayn karaan imtixaanka iyo jagada, oo waxay usii wadan karaan sidii hore oo kale waxayna helayaan gunnooyinkooda dhamaadka sanadka.

Labada ka mid ah seddexdii shaqaale way ka fikireen waxayna go'aansadeen inaysan rabin inay ka qaybgalaan. shaqaalihii sadexaad ee ugu yaraa ayaa yiri waxaan rabaa in inaan isku dayo. agaasimuhu wuxuu sheegay in ay bilaabatay saacadii/stopwatch oo wuxuu tusay shandada.

Ninkii ayaa u soo dhawaaday, mindidi ayuu saaray qufulka, wuu ku cadaadiyey wuxuuna xaqiiqsaday in aysanba xirneyn shandada. wuu furay wuxuuna eegay agaasimaha isaga oo yaaban. ka dib wuxuu u dhawaaday labadii shandadood oo kale, oo iyaguna noqdeen kuwa furan. miyaad illaawday inaad xirtid? Ninkii wuu yaabay.- oo ma waxaan bilaabaynaa imtixaankii markale?

agaasimihii wuu dhoolla caddeeyay madaxana wuu ruxay. tani waxay ahayd imtixaankii oo waad ku guuleysatay. intee jeer ayaan guul daraysanaa maxaa yeelay waxaan ka baqeynaa xitaa inaan isku dayno.

waxaad hadda tahayku-xigeenkayga, maxaa yeelay kuma tiirsanid ama ma aamintid waxaad aragto ama maqasho, laakiin waxaad ku tiirsan tahay ama aad aaminsantahy itaalkaaga/awoodaada oo kama baqaysid inaad isku daydo.

♡ noqo mid geesi ah wadada himiladaada, qaado goa,aan geesinima leh oo qaad talaabada ugu horeysa, waxaana hubaal ah inaad guuleysan doonto.



Mohamed Ali Waasuge

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...