Weedho Wacan oo Waxtar Leh

0
Sunday June 13, 2021 - 10:05:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weedho Wacan oo Waxtar Leh

    Wax kasta oo daciif kaa dhiga muuqaal ahaan, maskax ahaan & caqiido ahaan he yeelin oo ha qaadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax kasta oo daciif kaa dhiga muuqaal ahaan, maskax ahaan & caqiido ahaan he yeelin oo ha qaadan



1. Qorrax-dhaca halkan waxay Qorrax soo bax u tahay dhinac kale oo Aduunka ka mid ah. Marnaba ha quusan sababtoo ah wax u muuqda dhamaad ayaa xaqiiqdii ah bilow cusub.

2. Haddii dhibic biyo ah ku dhacdo Haro, muuqeedi wuu lumayaa;

Haddii ay ku dhacdo caleen geed Ubax ah, aad bay u iftaa;

Dhibicdu waa isku mid; laakiin wehelka, halka ay tagtay, ayaa muhiim ah.

3. Ma jiro qof Aduunka ku nool oo ka baqa inuu Runta sheego. Qofku wuxuu ka baqaa inuu wajaho cawaaqibka, natiijada ka dhalata marki Runta la sheego!

4. Qofka ku Caawiya, ha Hilmaamin Qofka ku Jecel, ha Nicin, Qof ku Aaminay, ha Qiyaamin.

5. Wax kasta oo daciif kaa dhiga muuqaal ahaan, maskax ahaan & caqiido ahaan he yeelin oo ha qaadan waa Sun.

6. Badu halkeeda ayay u joogtaa dadkoo dhan

Qeyb baa kala soo baxda Luul,

Qeyb baa kala soo baxda Kalluun,

Qeyb baa kala soo baxda korkooda oo Qoyan keliya!

Sidoo kale, Aduunku halkiisa ayuu u joogaa dadka oo dhan

Wixi aan ka helno waa wixi aan isku dayno!!

7. Goortii aad Tukaneyso, ka taxadar Qalbigaaga. Goortii aad Dadka dhex joogto, ka taxadar Carabkaaga.

Goortii aad wax Cuneyso, Ka taxadar Dhuuntaada (Cunaha) Goortii aad nin kale Gurigiisa ku sugan tahay, ka taxadar Indhahaaga.

8. Boqor kasta xilli buu ahaa ilma yar oo Oohin badan Dhisme kasta oo weyn xilli buu ahaa naqshad warqad ku qoran keliya Muhiim ma aha halka aad maanta joogto ama taagan tahay,Laakiin waxa muhiim ah halka aad BERI gaari doonto



Mohamed Hussein Salat

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...