Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Fursad Ku Helay Muuse Biixi Oo Ay Sii Kala Foggaanayaan

0
Sunday June 13, 2021 - 07:57:09 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Fursad Ku Helay Muuse Biixi Oo Ay Sii Kala Foggaanayaan

    Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Fursad Ku Helay Madaxweyne Biixi Oo Ay Sii Kala Foggaanayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Fursad Ku Helay Madaxweyne Biixi Oo Ay Sii Kala Foggaanayaan

Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay muddooyinkii u danbeeyay-ba aad u kala foggaayeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa toddobaadkii inna dhaafay si adag ula saftay Xisbiyadda mucaaridka ah, gaar ahaan Xisbiga UCID oo uu hadda noqday Ciyaaryahanka khadka dhexe uga safta loollanka loogu jiro hanashadda Maayirrada dalka iyo Shirguddoonka golaha Wakiillada.
Halkuu Salka ku hayaa Dagaalka Madaxwayne Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi, Maxaase Laga xasuustaa Dhacdooyinkii Soo Dhexmaray?


Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la rumaysan yahay innuu Maskaxdii ka danbaysay soo bixitaanka Xildhibaanno badan oo ka soo jeedda gobollada barriga Somaliland, iyaddoo uu muddooyinkii u danbeeyay ku sugnaa gobolka Togdheer, waxaannu maalmihii la soo dhaafay uu shir doceedyo la qaadannaayay guddoomiyeyaasha Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Eng Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale, Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu maalintii shalay uu kulan la qaatay Murashaxa u tartamaaya Afhayeenka golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Ahmed, oo ka soo baxay Xisbiga WADDANI, kaasoo ah Xubinta ay Xisbiyadda mucaaridku isla qaateen inuu ku fadhiisto kursiga u sarreeya aqalka Wakiillada ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa fursaddan u arka mid uu ku muujin karraayo awooddiisa siyaasaddeed, isla markaanna siddii uu horeba u sheegay uu kula dagaalami karro siyaasadda Madaxweyne Biixi Cabdi Cabdi.

Loading...
Loading...