Faallo:-Halkuu Marayaa Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Iyo Maayirradu?

0
Saturday June 12, 2021 - 14:14:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Halkuu Marayaa Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Iyo Maayirradu?

    Faallo:-Halkuu Marayaa Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Iyo Maayirradu?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Halkuu Marayaa Loollanka Shirguddoonka Wakiillada Iyo Maayirradu?


Hargeisa(HWN):-Waxa meeshii ugu adkayd marraaya loollanka loogu jiro Shirguddoonka cusub ee golaha Wakiillada Somaliland ee lagu soo doortay Doorashooyinkii isku sidkannaa ee dalka ka qabsoomay 31-kii bishii May 2021-ka.
Faallo:-Cabdiraxmaan Cirro Iyo Faysal Cali Maxaa la gudboon.


Xukuumaddu uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hadda u muuqata mid ka rajo dhigtay tartankii ay ugu jirtay Maayirka Caasimadda Hargeisa, hase yeeshee waxay tamarteeddii oo dhan isugu gaysay loollanka loogu jiro hanashadda Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland, waxaannay toddobaadkii u danbeeyay Xukuumadda iyo Xisbigeedda KULMIYE ku hawlanaayeen Shir doceedyo ay cod ugu raaddinayeen Murashaxa ay doonnayaan innuu ku fadhiisto kurisiga ugu sarreeya golaha Wakiillada Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.

Xildhibaannada cusub ee loo soo doortay golaha Wakiillada cusub ayaa wakhti xaadirkan ku suggan magaalada Hargeisa ee xarunta u ah Somaliland, halkaas oo lagu dhaarin doono 82-ka Xildhibaan ee aqalkaas Wakiilladu uu ka kooban yahay, iyaddoo ay si adag ugu hirdamayaan Xisbiyadda mucaaridka ah oo isku dhinac ah iyo Xukuumadda iyo Xisbigeedda KULMIYE oo isku ah, isla markaanna dhinac kastaa uu u heli lahaa hoggaanka shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland.

Dhinaca kale, Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo toddobaadkii hore ku dhawaaqay isbahaysi siyaasaddeed ayaa waxa u socda kulamo iyo shir ducoeedyo ay ku xoojinayaan iskaashiga u dhaxeeya, iyaddoo ay shirarkaas qabanayaan Guddiyaddii ay u saarreen hanashadda Shirguddoonka golaha Wakiillada iyo inta badan Maayirrada magaallooyinka waa wayn ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee waxa wali socda loollanka iyo hirdanka ay Xisbiyadda siyaasadda Somaliland ugu jiraan siddii ay ugu kala guulaysan lahaayeen Shirguddoonka golaha Wakiillada iyo Maayirrada magaallooyinka waa wayn ee dalka, iyaddoo meelaha qaarkood-na awood loo sheegtay Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Loading...
Loading...