Maanso Baroordiiqa Oo Laga Tiriyay Geeridii Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen.

0
Saturday May 11, 2019 - 12:27:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maanso Baroordiiqa Oo Laga Tiriyay Geeridii Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen.

    Halyaygii qarankiyo Hayiinkiii nabadee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyaygii qarankiyo Hayiinkiii nabadee

Gobonimada hiiliyo

Haybadeeda lahayee

U hagar baxay dadkiise,

Hiddo dhaqan goobeediyo

Talo ku hogaanshee

Taariikhda hodanka ah

Baal ka haystay dahabee

Isku duubnidan horseediyo

Hogaankeeda lahaaye

Hal adayg wacnaayaw,

Hadday gashay taadi

Ood maanta hoyatay

Halkaagi banaanoo

Maantaba u heerniye,

Hooy lagu nimcaystoo

U horaysoo janadiyo

Haro biyo xareediyo

Hadhac udug qaboobo

Miski lagu heemaariyo

Hogol nuur da'aysiyo

Hibaaqiyo udgoon badan

Ku hibee ilaahay



Aamiin yaa alaah

Erayadii maxamed cabdiqaadir colhaye

Heegan99mcm@gmail. Com

Loading...
Loading...