Waalidiin Caruurtoodii Ka Maqan Yihiin Oo Mudaharaado Xidhiidh Ah Ka Wadda Magaalada Muqdisho

0
Saturday June 12, 2021 - 11:30:45 in News by G. Good
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waalidiin Caruurtoodii Ka Maqan Yihiin Oo Mudaharaado Xidhiidh Ah Ka Wadda Magaalada Muqdisho

    Waalidiin Caruurtoodii Ka Maqan Yihiin Oo Mudaharaado Xidhiidh Ah Ka Wadda Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waalidiin Caruurtoodii Ka Maqan Yihiin Oo Mudaharaado Xidhiidh Ah Ka Wadda Magaalada Muqdisho


Magaaladda Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda Banaanbax ay dhigayaan Waalidiintii ay ka maqnaayeen caruurtoodu ee dowladda Soomaaliya u qaaday dalka Eritrea si uga dagaalamaan gobolka Tigray.


Lis Dairy

Waalidiinta banaanbaxyda ka dhigaya qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay dalbanayeen in caruurtooda dib loogu soo celiyo.

Waxaanay waalidiintani siteen boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku muujinayaan dareenkooda si loogu soo celiyo caruurtooda oo ay sheegeen inay maqleen in laga qayb galiyay dagaalkii gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Waalidiintan banaanbaxa dhigaya oo la hadlay warbaahinta, ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay uga baahan yihiin nolol ama geeri inay ugu keenaan caruurtooda.

Waalidiintan oo maalintii labaad banaanbax ka wada magaalada Muqdisho, ayaa dalbanaya in caruurtooda dowladda Soomaaliya dib ugu soo celiso

Banaanbaxan ay dhigayaan Waalidintani, ayaa ku soo beegmaya iyadoo Qaramada Midoobay sheegtay inay heshay cadaymo muujinaya in dagaaladii Itoobiya ee gobolka Tigreega ay ka qayb qaateen dhalinyaro Soomaali ah taas oo sii kicisay dareenka iyo welwelka waalidiintan oo dowladda Soomaaliya sheegtay in caruurtooda tababar ugu qaaday dalka Erateeriya.

Geesta kalena, dowladda Soomaaliya, ayaa beenisay in caruurta waalidiintan laga qayb galiyay dagaalkii gobolka Tigray, iyadoona sheegtay inay wali ku maqan yihiin tababarkii loo qaaday.


Loading...
Loading...