BAAQ ku socda: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Somaliland.

0
Saturday June 12, 2021 - 11:27:43 in Articles by
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    BAAQ ku socda: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Somaliland.

    BAAQ ku socda: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BAAQ ku socda: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Somaliland.

Dadwaynaha degan xuduudda somaliland iyo Ethiopia waxay yihiin dad nolashoodu ku xidhan tahay xoolaha nool, ( Geel, Adhi, iyo lo,) Hadaba Ilaa iyo horaantii bishii May ee sanadkan 2021 waxaa soo food saaray xoolaha qaybta Geella xanuun si degdeg ah u fidaaya, Hadaba aniga oo aan aqoon u lahayn caafimaadka xoolaha, Hadana markaan waraystay Geella inta ugu badan ee uu saamaynaayo xanuunkani waxa weeye Geella Dhaley iyo awrta qooqan, iyadoo astaamaha lagu arkaayo ay ka mid tahay.
May be an image of 1 person, standing and outdoors


1: in Hasha dhashay laga waayaayo caanihii ay dhiiqi lahayd,

2: in ay dhiig badan yeelanayso oo neefka xaga danbe uu dhiigaasi ka imanaayo,

3: iyadoo neefka si degdeg ah uu u dhimanaayo,

4: iyadoo hadii la qalo ama la gawraco neefka xanuunkan lagu arko la arkaayo iyada oo ay isbadaleen beerkii iyo kalyihii neefku dad badanina ay ii sheegeen in ay madoobaanayaan.

Hadaba iyada oo dadka soomaalida ahi ay aad u jecel yihiin cunista hilibka Geella iyo cabista caanaha Geella waxa yimid shaki laga qabo cabistii iyo cunistii Caanaha iyo hilibkaba, dadkii dhaqan jirayna waxa hoos u dhacay suuqii ay u iib gayn jireen, Hadaba waxaan shakhsiyan u dareemay dhibtaas taagan ee aan wali la dareensanayn, iyadoo xanuunkaasi noqonkaro xanuunada u kala gudba dadka iyo xoolaha (zoonotic diseases), Hadaba waxa wanaagsanaan lahayd in ay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Somaliland ay u soo dirto koox dhakhaatiir caafimaadka xoolaha ah (veterinarians) arintan iyadoo ay dhinaca Ethiopia na uu xanuunku inagaga yimid ay fiicnaan lahayd in dhinaca Dawlad deegaankana laga soo diro Koox kale oo ah dhakhaatiir caafimaadka xoolaha ah (veterinarians).

W/Q: Ahmednaaji Hassan yuusuf,
Baligubadle, Somaliland. ALLAAH MAHAD LEH.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...