Doorashooyinkii Ka Dhici Lahaa Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Dib Loo Dhigay

0
Saturday June 12, 2021 - 11:18:18 in News by G. Good
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashooyinkii Ka Dhici Lahaa Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Dib Loo Dhigay

    Doorashooyinkii Ka Dhici Lahaa Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Dib Loo Dhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashooyinkii Ka Dhici Lahaa Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Dib Loo Dhigay

War kasoo baxay Xafiiska doorashooyinka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in degaanno uu kamid yahay degaanka Soomaalidu doorashadii ka dhici lahayd dib loo dhigay.

Lis Dairy




Sababta dib loogu dhigay doorashadii ka dhici lahayd degaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in khaladaad ay ka jireen dhanka kaararka cod bixinta, taasna ay sixi doonaan.

Degaanka Soomaalida ayaa markii hore qorshuhu ahaa in goobo kooban dib loo dhigo doorashada, balse hadda gabi ahaanba degaanka oo dhan dib loo dhigay.

Xisbiyada mucaaradka ah ee degaanka ka sharaxan ayaa arrintan dusha uga saaray xisbiga talada haya ee Barwaaqo oo ay ku tilmaameen in isagu ka dambeeyay doorashada dib loo dhigay.

Degaanka Soomaalida ayay doorashadu ka dhici doontaa bisha September ee sannadkan, halka degaannada kale qaarkood ay doorashadu ka dhici doonto wakhti ay maalmo un inaga xigaan.

Loading...
Loading...