Ila Qosol

0
Saturday June 12, 2021 - 08:01:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol

    Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Xilli Kaliil ahayd oo abaar xumi dhacday oo biyo iyo baadba la waayey, ayuu nin Soomaaliyeed adhigiisii ka soo qabtay dhawr wan oo ahmin ah; si uu u iibgeeyo oo uu reerka raashin ugu soo iibiyo. Markii uu wananka reerka ka soo ambabixinayey, ayay haweeneydiisii wanankii la soo kaxaysay.


Haddaba markii ay ka noqoneysey, ayay hadal ka soo dabatuurtay oo ay ku tidhi, " Ee haddii wanankalagaa iibsado, malkhabad (gambo) iiga soo iibi. "

Odaygii oo la yaabban hadalkeeda oo is yidhi, malaha naagtani xilligan gambada dooneysaa maba oga abaaraha iyo oodolululkan dhacay; ayaa ugu jawaabey, " Waaba gambo laguu soo iibiyee, cirkaa tusani haddii uu di'i waayo; timahaba waa lagaa xiiri!"


Cabdullaahi Maxamed Cumar



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...