Xildhibaanada Barlamaanka Somaliland Ee Cusub Maxa Laga Filan Karaa

0
Saturday June 12, 2021 - 07:57:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Barlamaanka Somaliland Ee Cusub Maxa Laga Filan Karaa

    W/Q Rashiid Odowaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Rashiid Odowaa


Kolka Hore Erayga "Parliament” waxa uu ka yimid kalmadda "Parler” oo ah luqadda Faransiiska macnaheedu waa Dood ama in la wada hadlo marka ay taagantahay arrimo sharci ama howlo kale oo bulshada ku saab-san,waddankii ugu horeeyay ee Sharci dejin u aqoonsaday wuxu ahaa Waddanka Ingriiska taariikhdu markay ahayd Qarnigii 13aad waxayna timi ka dib markii Scotland iyo England ay kala saexeexdeen heshiiskii Midowga ee "Act of Union Great Britain” markii danbena la baxday UK ama Boqortooyada Ingriiska.



Sida ay u shaqeyaan Dowladaha Dimoqradiga ah Baarlamaanku wuu madax bannaanyahay waana mid ka mid ah Sadexda Dhar-dhaar ee ay ka koobantahay Dowladnidu Golaha Fulinta,Golaha sharci dejinta iyo Golaha Garsoorka Saddexdaas dhardhaar way is miisaamaan waxayna si wada jira u wadaan howsha Qaranka dherigu wuu dheelliyaa haddii mid ka mid ah dhardhaarradu uu meesha ka baxo,Nidaamkan Casriga ah waxa loo yaqaan (Check and Palance) macnaha way is miisaamaan.


Dadka qaar waxay moodaan in Baarlamanka iyo Xukuumadu ay Colyihiin hase yeshee taas maaha waxa meesha taalla waxa loo shaqaynayaa waa Qaran,wixi ku xun qaranka waa laga hor imankaraa Baarlamaan iyo Xukuumad labadaba macnaha waa inaanay shaqada Qaranka lo ohayo aany ku iman inay istaagto.


Waxa kaloo jirta in dadka qaar ay wax qabad ka sugaan taas oo an ahayn shaqada loo Igmaday,waayo Baarlamanku ma aha Fulin lkn way u hadli karaan dadka ama deegaamada laga soo doorto.


Haddaynu Soo Ururino Shaqooyinka Baarlamaanka U yaalla ee ay tahay inuu ka soo dhalaalo

Ø Inay Matalaan ama ay wakiil ka noqdaan una doodaan dadkii soo doortay iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.


Ø Inay Hay’adaha Dow ladda iyo Masuuliyiintaba daba galaan oo ay Su’aalo waydiiyaan ku saabsan shaqada ay umadda u hayaan.


Ø Waa inay ansixyaan Miisaaniyadda ugana doodaan si dhaba ah,ka dibna isha iyo qodaxda ka saaraan.


Ø In ansixiyaan heshiisyada Caalamiga ah ee ay Xukuumaddu la soo gasho waddamo kale oo dibadda ah ama heshiisyada caalamiga ah.


Ø Inay u doodaan xuquuqda Muwaadiniinta,oo wax kasta oo dhib u keenaya dadka waa inay ka doodaan.


Ø Xagga xidhiidhka caalamiga Baarlamanku waa inuu la samaystaa dhiggiisa waddamada kale xidhiidh sokeeye oo labada baarlaman is dhaafsan karaan xidhiidh wanaagsan,iyagoo u sii dhex maraya Danaha labada waddan.


Ø Waxa u yaalla baarlamanka Cusub inay qabyo tiraan shuruucda hore ee qabyada ahayd si aanay mar danbe u dhicin baarlamaan iyo Golayaal muddo dhaaf ahi.


Ø Waxay ku ilaaliyaan Xukuumadda Siyaassada guud ee dalka ku hagayso oo anaay ka bixin madaadii’dii guud uu ku dhisanyahay waddanku.


Ø Baarlamanku waxay la ansixiyaan iyagoo wada jir ah Golaha guurtida haddii Dastuurka wax laga bedelayo ama Calaamadaha Qaranka Sida Calanka,astaamaha Qaranka Sida Shaanabadda iWM.


Guud ahaan iyadoo ay badantahay shaqooyinka Baarlamaanku qaabtaa haddaan intaas ku soo koobno,waxanu uga jeednaa uun si aynu fahan guud uun uga qaadanno.


Rashiid Odawaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...