Jaalleyaal Intan Iga Shaki Saara!

0
Saturday June 12, 2021 - 07:54:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaalleyaal Intan Iga Shaki Saara!

    Qalinkii Cabdirisaaq Xasan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii Cabdirisaaq Xasan,

"Inta badan waxa aynu nahay bulsho iska caadifi ah oo hadbasida haadaanta dhinac uhadaafa

xataa qaarkeen waxa lagayaaba in aynaan is weydiin suaalaha ay ka midka yihiin sidee? Xagee?

Ama maxaa ka iman kara? Oo ah su'aalaha jaangooya waxaad qabanayso .



Doorashadii dalka ka dhacday waxay bulshadeenu si xarago leh usoo xusheen kii ay u arkayeen in uu metali karo ama uu ka jawaabi karo baahiyihiisa goortii kasta iyo goobtii kaste ee uu uga baahdo.

Waxaanay tani tusaale cad u ahaydsida bisaylka iyo qaangaadhka ah ee ay bulshadeenu ula jaan qaaday dimuquradiyada lasheegaba.


hadaba tan iyo natiijadii doorashadamarkii lagu dhawaaqay waxaa bulshadu intabadan ku celcinaysay


"mooge weeyi maayirku"maxuma , laakiin runta markaynu ka hadalno waxaa lasoo baxay dhalinyar wada firfircoon oo wada injineera oo qaarkood soo


bandhigeen qorshayaal qaarkeen aan u qushuucnay oo hadana aan ka codaynay iyadoo aan

ogsoonahay in mooge ilaa hada aanu inooga jawaabin suaalahan!

_

masoo bandhigin qorshe qoran waxaan ka ahayn waraysi uu bixiyo oo hada ah mooye, iyadoo aynu ogsoonahay in hadal layidhaa ay fududahay balse in lafuliyaa way adagtahay,

_

mooge wali hada su'aalahan kamajawaabin ay kamidka yihiin sida uu u waajahayo una maamulayo magaalo marti galisa in ka badan 1.5 million oo ka arradan dhamaan baahiyaha asaasiga iyowaliba maaraynta qashinka ay soo saarto,


"fiiro gaara" hore waxaan usheegay hadal waa la odhan karaa laakiin in lafuliyaa way adagtahay.


_ mooge markaan leenahay muxuu kaga duwanyahay 16 xildhibaan ee dhalinyarada oo han iyo hiigsi iyo aqoonfiicanba uleh arrimaha maaraynta , nadaafada iyo qorshaynta maagalada oo qaarkoodba ay inala wadaageen waxbadkoodii iyo sida ay uwaajahayeenba oo badankeen aan qirnay oo qushuucnay.


_ mooge kama jawaabin sida uu uwaajahayo marin biyood yada tirada beelayee caasimada ragaadiyay iyadoo aynu ogsoonahay in daraasado badan laga sameeyay balse ay usoo maaro waayeen kun kii maayir ee ka uhoreeyay.


magaalada hargeisa oo ah magaalo tobankii sano ee udanbeeyay aad ufiday oo qorshe ahaana aad isku dhexdaadsandhaqaale ahaana ay ku kici karto balaayiin doolar ayaa ilaa hadamaayir mooge aanan kahayn qorshe cad oo lagu heli karo hargeisa cagaaran oo bilicsan


Waan qirsanahay in bulshadaydu ay daashayoo ay hadba u hanqal taagaysodurbaankasta oo dhaca balse su'aashaydu waxaa weeyi


mooge maxaa qorshe ah ee uu soo bandhigay ee aynu uga eexanaa in xildhibaanada kale ay latartamaan"


W/qoray: Cabdirisaaq Xasan,

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...