Bulshada reer Uk oo u hambalyeeyey, Doorashadii ka dhacday Somaliland!

0
Saturday June 12, 2021 - 07:47:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bulshada reer Uk oo u hambalyeeyey, Doorashadii ka dhacday Somaliland!

    " Waxaa mucjiso ah in dalkeena hooyo ka qabsoomeen doorashooyin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Waxaa mucjiso ah in dalkeena hooyo ka qabsoomeen doorashooyin"

Bulshada reer Somaliland eek u dhaqan magaallada Bristol ee cariga ingiiriiksa oo si niyad sami ah, uga fal celiyey doorashadii isku sidkanayd, ee golaha degaanka iyo golaha barlaamanka ee Somaliland ka dhacday 31 2021.



Libinta kobaad waxaa leh shacabka, sidoo kale waxaa amaan badan arintan kuleh madaxwaynaha, koomishanka dooroshooyinka iyo axsaabta mucaaridka ah oo gallay, doorasho bilaa cunfi ah oo xor iyo xallaal ah.


Bulshada reer Somaliland ee Bristol, iyo somalida kaleba, waxay la riyaaqeen ilbaxnimada, dulqaadka iyo hanaanka doorashada reer Somaliland, runtii waxay ahayd, Democracy in action.


Masuuliyiin kala duwan oo ka mida hormoodka bulshada somaalida ah eek u dhaqan magaalada Bristol iyo dalka Uk, ayaa halkaasi ka jeediyey, tallooyin iyo waayo argnimo u baahan in qaato.

Ex Wasiir Kaysar ayaa amaanay dowlada gaar ahaan Madaxwaynaha, Xisbiyada Qaranka waxaa erayadiisii kamida ahaa:


" Waxaa mucjiso ah in dalkeena hooyo ka qabsoomeen doorashooyin, aan la filaahayn inay sidaasi u dhacayaan, marka la eego, daruufta lagu jiro, dal yar oo aan dhaqaalo badan helin, hadana isku tashaday oo hirgaliyey, laba doorasho oo isku sidkan, waxay ku tisinaysa, hadii umadu isku tashado, in wax walba gaadhi karto”.


Mohamed A Sayaqle, oo ahaa masuulkii howshan soo agaasimay ayaa yidhi, " libanta ugu wayn waxaa iska leh, dadwaynaha reer Somaliland, sidoo kale waxaan mahadnaqanagan gaadhsiinayaa, Madaxwaynaha iyo axsaabta qaranka oo si bilaa cunfiya doorashadan ugallay”.


Doorashaduu waa mid kamida awoodaha ay leeyihiin, dadku, si ay u badallaan masuuliyiinta gaar ahaan dadka dadka matalla”.


Abdul ahmed, oo kamida masuuliyiinta ka dareenka celisay Doorashadii Somalilandkana soo jeeda, magaallada Mugdisho ayaa yidhi " waxaa caalamka ka wareeriyey doorashadda ka dhacday Somaliland, waan u hambalyeynayaa reer Somaliland.


Codka ay kusoo baxeen Barkhad jama Batuun iyoAbdikariim Ahmed Mooge,kuma soo baxaan xildhibaanada magaaladan aan deganahay, ee Bristol, Gollaha Degaanka iyo Gollaha Barlamaankaba labadaba” shicibkii reer Hargeisa ayaa ku doortay fikirkooda ayaga oo aan u eegahayn, qabiil ee ku dooranaaya fikirkooda iyo mabda’a ay aaminsan yihiin”.


Suldaan Mahdi oo ah suldaanka guud ee qurbajoogta. Beelaha Samaroon ayaa yidhi,waanu la riyaaqnay doorashadii ka dhcday Somaliland, kartidii iyo hanaankii doorashada u qabsadeenba, waxaan leenahay Hambalyo.


Waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin dhowra oo ka mid ahaayeen, Abdi Omar Boobe, Faysal Farhan, Abwaan Haykal, Said burale iyo masuuliyiin kalle., dhamaantoodna waaxay ku dhawaaqeen niyad samaan iyo doorashada la joogteeyo, xilligeedana la qabto., si dhalinyaradu fursad uhellaan, ay dalka ku hogaamiyaan, aqootoodana kusoo bandhigaan.

"Awguuriyo”.




Bulshada reer Somaliland ee Bristol

Mohamed A Sayaqle

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...