Ila Qosol … Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Saturday June 12, 2021 - 07:44:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol … Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Sidii ayay dhibaatadii kaga deysey, iyada oo ninka jannada uga ba'aysa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidii ayay dhibaatadii kaga deysey, iyada oo ninka jannada uga ba'aysa!

Haweeney kululayd ayaa ninkeedii aad u dhibtay. Beryihii dambe markii uu u adkaysan waayeyna, arrinkoodii ayaa dibada u soo baxay oo deriskoodii (jaarkii) ayaa ogaadey. Dhawr jeer markii la dhexgalay ee ay qayladii dami weydeyna, wadaad ayaa dhexgalay oo ninkii ku yidhi, " U samir adigaa nin ahe. Samirkaasi ayaa laga yaabaa; in aad jannada ku gashide."



Markii ay waanadii wadaadka ee ninka muddo ka soo wareegtey ee uu ninkii dhibaatadeedii u adkaystayna, waxay aragtay isbedelkii ninkii ku dhacay.


Dabeetana waxay isweydiisey, waxan ninkii ku dhacay ee uu ula dagaalami la'yahay ama uu ula tirsan la' yahay!


Waxana mar dambe loo sheegay haweeneydii, in sheekh hebel ku yidhi ninkeeda, " U samir, samirkaasi ayaa laga yaabaa; in aad jannada ku gashide."


Gabadhii, ayaa markii xogtii loo sheegay tidhi, " Ma aniga ayaan garanin, in uu yahay nacas la waaniyey!" Waxayna sii raacisay, " Wallee dhibaatadayda ayaanu janno ku galin! Haddii aan ka daayo dhibaatada halkuu janno ka heli?!"


Sidii ayay dhibaatadii kaga deysey, iyada oo ninka jannada uga ba'aysa! Isaguna kaga nastay!!


Allahayoow isna ifka ma kaga raystay dhibaatadeedi, intii aan aakhiraba la gaadhin!


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...