Haddii Dhaqaale Aad Ku Heleyso Ma Qaadan Lahayd Tallaalka Covid-19?

0
Saturday June 12, 2021 - 07:10:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Dhaqaale Aad Ku Heleyso Ma Qaadan Lahayd Tallaalka Covid-19?

    "Inta badan dadka, taasi waxay u arkaan nooc weyn oo dhiirigelin ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inta badan dadka, taasi waxay u arkaan nooc weyn oo dhiirigelin ah"

Markii Thailand ay bilawday inay soo saarto tallaalkeeda 'Covid-19' bishii Maajo, mas'uuliyiinta degmada waqooyiga ee Mae Chaem waxay ogaadeen in dad aad u tiro yar ay isu diiwaangelinayaan qaadashada tallaalka.



Laakiin guud ahaan dhowr maalmood gudahood ayay arrintaas isku baddashay ka dib markii saraakiisha maxalliga ah ay sheegeen in si dhakhso ah ay baahida maalinlaha ah ee tallaalka ay u korortay, taas oo gaartay kummannaan.


Taas waxaa sababay oo lagu mahdiyay fursadda lo'da loogu guuleysanayo ee lagu siinayo dadka la tallaalayo.


Taasi waa sax - ilaa uu ka dhammaanayo sannadka 2021-ka, hal neef oo lo' ah ayay ku guuleysanayaan toddobaadka kasta dadka deegaanka ee la tallaalay.


Hindisaha Thailand waa muhiim, waxaana jiro dalal badan oo dhiirrigeliyay dadka si ay u qaataan tallaalka Covid-19.


Waxaa jiro dhiirogelino noocan oo kale ah oo ka socda Mareykanka, waxaana ka mid ah bakhtiyaa-nasiib uu qofka ku guuleysanayo hal milyan oo doolar oo abaalmarin ah.


Dhanka dalka Shiinaha, ololaaha tallaalka waxaa ka mid ah ukunta bilaashka ah, iyo qiimo dhimista dukaamada.


Bishii la soo dhaafay, dowladda Serbia ayaa billowday tallaal, kaas oo lagu ballanqaaday in lagu abaalmarin doono dadka qaata, lacag gaareysa $30 doolar oo kaash ah.


Dhawaan ayay ahayd markii dhakhaatiirta, farmashiistayaasha iyo goobaha shaqada ee Australia ay hay'adda sharciyeynta caafimaadka ee waddanka, u fasaxdeen inay abaalmarin siiyaan dadka u soo baxaya tallaalka.


Qorshayaasha noocan oo kale ah, ujeedadiisa waxay tahay in sare loo qaado tirada dadka tallaalka doonaya.


Hay'adaha caafimaadka adduunka oo dhan waxay rabaan in dad badan la tallaalo, sida ugu macquulsan, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka 'Covid-19'.


Hawsha way dhib badan tahay, iyadoo xitaa waddammada tallaalka la siinayo aysan ahayn arrin weyn.


Dalka Britain, in kabadan 70%, dadka qaangaarka ah way heleen uguy araan hal tallaal, wixii ka horreeyay 20kii bishii May, heerarka qaadashada tallaalka ee London way ka hooseeyeen kala badh.


Dalka Mareykanka, oo dhammaan dadka waaweyn iyo carruurta da'dooda ay ka weyn tahay 12 sano, ay xaq u leeyihiin tallaal, ayaa tirakoobka Xarumaha Xakamaynta Cudurrada (CDC) ay muujinayso in 13-ka mid ah 50 gobol ay horay u tallaaleen ugu yaraan 70% boqolkiiba, dadka waaweyn ee deggan.


Madaxweyne Joe Biden, wuxuu filayaa in ugu dambayn 4 July, uu tallaalka gaaro guud ahaan Mareykanka.


Daraasadihii hore ee talaaladii cudurada kale, waxay muujiyeen in dhiiragelinta ay ahayd mid kordhineysay tirada dadkii qaadanayay tallaalka.


Sannadkii 2015, cilmi-baarayaal ka socday Machadka King's College ee London waxay ogaadeen in bixinta foojarka lacagta ay kordhisay qaadashada tallaalkii papillomavirus-ka ee loo yaqaan 'HPV' ee lagu talagaay haweenka da'da yar ee London.


Arrin la mid ah middaa ayaa lagu arkay daraasad ay 2019 sameysay Jaamacadeedka Harvard ee tallaalka teetanada ee miyiga Nigeria.


Dr Mitesh Patel, oo ah saynisyahan deggan Mareykanka, ayaa aaminsan in abaalmarinta la siinayo dadka aysan ahayn xalka keliya ee loo baahan yahay.


Dhiirrigelinta ayaa naga caawin doonta haddii aan sidoo kale qabanno waxyaabo sida, in aan dadka u sharraxno in tallaalka uu fiican yahay mid fiican, iwm.


Dr Toxvaerd ayaa ka digaya in abaalmarin la siiyo dadka, ay dhab ahaantii xoojin karto shakiga laga qabo tallaalada.


"Waxaa jiro khatar ah in dadka qaarkii ay ka fakaraan sababta loo abaal marinayo haddii uu talaalka yahay wax fiican," Ayuu yidhi.


"Waxaan durba aragnay dalal ay ka mid yihiin Faransiiska oo qiranayaa inay jiraan dad si buuxda loo tallaalay iyadoo aanl agu sameeynin baaritaan la xiriira fayrasa corona."


"Inta badan dadka, taasi waxay u arkaan nooc weyn oo dhiirigelin ah si ay ugu safraan shaqo, ama ay u arkaan saaxiibadood iyo qoysaskooda ee ku sugan dalal kala duwan," ayuu yiri Dr Kasstan.


BBC

Loading...
Loading...