Timir Laf baa Ku Jirta.... W/Q Ilyaas C. Carte

0
Friday June 11, 2021 - 22:42:48 in Articles by
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Timir Laf baa Ku Jirta.... W/Q Ilyaas C. Carte

    Timir Laf baa Ku Jirta.... W/Q Ilyaas C. Carte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Timir Laf baa Ku Jirta.... W/Q Ilyaas C. Carte

Bulshadeeena waxaa dhib yar oo ay u nugul yahiin sida dareemada qabiilka ku aroora loo taataabto loona damqo, sidaa awgeed guud ahaan siyaasiyiinteennu waxa ay xarfaan ku yahiin sida shaki ummadda loo kala dhex dhigo, ee loo kala qaybiyo si damaca gaarka ah ee laabtooda yaalla uu ugu suurtagalo. Iyada oo taasi jirto waxa sii dheer maanta in xukuumaddani hadda joogtaa ay waayoaragnimo guun ah u leedahay ka faa’iidaysiga qaybsanaanta hadday tahay qof, qabiil iyo qaran.
No description available.


Laba fariimood ayaa laga soo wada diray madaxtooyada markii siddeedii xildhibaan ee Cabdikariin Axmed Mooge ka mid ka ahaa Madaxweyne Muuse ugu yeedhay madaxtooyada. Mid waa tii guud ee ina soo gaadhay, ee aynu daawanay, midna ta dahsoon ee dadka xukuumadda u shaqeeyaa fidinayeen, iyaga oo ka dhigaaya in ninkii bulshadu taageertay lala wareegay, waa hadaladii yaryar ka madaxtooyada ku xidhani  bulshada la wadaagayeen, waa isla hadaladii markii Boorame Cabdiraxmaan Abees lagu qasbay, shacabka lagu fidinaayay.

Si yar oo qabow oo aayar aayar ah xoogna loo dareemi karin baa la rabaa in xidhiidhka Cabdikariin iyo xildhibaannada kale looga furo bulshadoodii taageertay. Waxaa la adeegsanayaa dawladnimadii iyo shaadhkii madaxweynonimada haddii cid sumcadeeda lagu wiiqi karaayo. Waxaa ka mid ah sawirka Cabdikariin iyo madaxweynaha hooyadii oo hayb ahaan is xiga inta ay u bariido ugu tageen sida qarsoodiga ah looga qaaday, waxa ayna la mid tahay sidii Madaxweyne Muuse Biixi sawirka u la galay Cabdiraxmaan Abees, isaga oo haybta ay wadaagaan iyo madaxweyanimadiisaba ugu isticmaalay. Cabdikariin horaba waa isku arki jireen ee maxaa sawir looga soo qaadi waayay. Waxaa intaa dheer dad badan oo hawshan loo xil saaro, kuwaas oo faafiya hawlaha noocan oo kale ah.

Waxa nasiibdaro ah in bulshadeena laga dhigay mid wax ku qiimaysa sawiro ujeedaysan oo qof/qofaf lala soo galay. Qiimaynta qof ama koox maaha mid sawir yar ama salaan laba qof is bariidsheen lagu astaysan karo ama lagu qiimayn karo. Waayo xaqiiqadu maaha waxa oogadan sare si sahal ah looga heli karo. Waa mid daganaansho iyo hubsiino lagu raadin karo oo u baahan ka salgaadhid. Xaqiiqada Siyaasadu waa macnaynta saddarada dhexdooda ee maaha waxa ay sheegayaan sadaradu. Hadii bulshadeenu noqoto mid sawir wax ku qiimaysa waxa ay cadaynaysaa taasi inaynu nahay bulsho marka horeba aan ku wada socon afkaar iyo mabaadii oo wax ay rabto aanu jirin. Waxa ay marag taasi u noqonaysaa inaynu nahay bulsho lahayn qiyam afkaareed ay ku gaadhayso yoolkeeda ka umad ahaan. Waa hubaal inaynu nahay bulsho mabaadii qaran midayso oo yool leh.

Maadaama aynu sidaa nahay waxa quman inaynu ka fiirsano afcaasheena. Waa in ay bulshadu qof ama koox ay taageersanayd kaga hor iman karto oo qudha marka ay warsato la doodo ee ay mabdi'iyan ay u cadaato in ruuxaa ama qofkaas afkaartii ay ku wada socdeen wax iska badaleen ama meeshaba ka baxday. Maaha in aynu taageeradeena ku laalno caadifada qabiliga ah ee dulsaaran sawir ama kulan ujeedaysnaa oo qof sumcadiisa lagu dilayay oo lala galay ama lagu martiqaaday. Waa inaynu ka bulsho ahaan ka waantownaa oo fashilinaa khiyaamada sawir la galka ah ee inagu soo noqnoqotay waayadan dambe. Waayo waa khiyaamo daciif ah oo lagu dilayo aaminaada ka dhaxaysa ashkhaasta daahirka ah ee hawl umadeed u taagan iyo bulshadooda.

Waxaana hubaal ah hadii aynu noqono bulsho garaadkooda sidaa yar loo xadi karo oo sidaa fudud loogu diri karo ashkhaasta wanaagsan ee u taagan halgankeeda in aayaha mustaqbalkeena umadeed halis ku jiro. Taasina maaha wax la qaadan karo. Waa inaynu ahaanaa bulsho wacyi leh oo afkaar iyo mabaadii wax ku qiimaysa oo aan si sahal ah garaadkeeda loo caayi karo. Taas ayaynu ku gaadhi karnaa himilada qaranimadeena kagana bixi karnaa maamul xumada ina aafeeyay iyo dhibaatooyinka nololeed ee ina ragaadiyay

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...