Gabooyenimadu Waa Sharaf.

0
Friday June 11, 2021 - 18:55:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabooyenimadu Waa Sharaf.

    W/Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed ( kayse)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed ( kayse)

Gabooyuhu waa xirfad waqtigeedii ahayd aqoon iyo darajo sare waa farsamayaqaanimo tacab iyo waqti lagu bixiyay, waxay ahayd aalada lagu qaato oo lagu kaysdado falaadha iyo leebka markii dagaal ama ugaadhsi loo baxayo, carabtu waxay tidhaahdaa:

قبل الرماية تملأ الكنائن

"Intaanad wax ganin buuxi gabooyaha”



ceeb maaha waa sifo lagu sifaynayo farsamayaqaanadii qalbkaas abyi jiray.


Waxaan kale oo xusid mudan samaynta hubka, dagaalyahanimo iyo xirfadda liishaamidda ee shiishka waxay u lahaayeen hoodo.


Markaa Magaca Gabooye waa guul horseede waa *gobeeye* oo ciidanka ama reerka ay la xulafo yihiin waxay ahaayeen casrigii kaynta kuwo goobaha dagaalada guusha ku naalooda.

Markaa qofku ma sheegan karo xirfad iyo aqoon aanu lahayn waa bililiqaysi cusub.


Waxaa iyana muhiima in la xuso magaca "*Tumaal*” (goldsmith) waa bir yaqaan si fiican u tumi kara birta oo ka sameeya waxyaalaha ummaddu ku intifaacdo sidoo kalena u adeegsato hubka ay ku dagaal galaan.


Yurub (Europe)markii kacaankii warshaduhu ka bilaabmay Talyaanigu isagaa ugu warshado badnaa oo birta iyo laylinteeda ku horeeyay waxaa lagu naanaysi jiray " Tumaalka Yurub”


Markaa waa shay muhiima in lala dagaalamo cunsiriyada, qabiil takoorka oo laga wacyi geliyo bulshada waan arin aan marnaba cudur daar yeelan karin in qofku uu ku kaco cunsuriyad iyo qabiil takoor. diinteena Islaamkuna aad bay uga digtay.


Sidoo kale dawladu waa in ay sharci adag ka soo saartaa oo uu qofku ku mutaa ciqaab adag.

Waxaa intaa dheer in la dhiirigeliyo oo loo abuuro fursado waxbarsho, adeeg caafimaad, guryayn iyo in xirfadaha(skills) ay hoodada u leeyihiin la tayeeyo dhaqaale loo qoondeeyo si loo gaadho kacaan warshadeed oo soo saara qalab tayo leh oo looga faaiideeyo dalka iyo dadkaba aqoontaas.


Gabagabadii arinkani xamaasad uma baahna qudha oo maalmo ku eg, wuxuu u baahanyahay in uu ka mid noqdo oo lagu daro qorshayaasha iyo guulaha la hiigsanayo iyadoo loo agaasimayo kuwo dhow iyo kuwo fogba waana in la helaa iskaashi loo dhanyahay dawlad iyo shacabba.


Allah xaqa iyo walaaltinimada haynagu ilhaamiyo????

W/Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed ( kayse)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...