Siyaasi Cali Waran-cadde Muxuu Ka Yidhi Isbahaysiga Ay Samaysteen Xisbiyada Mucaaridka Ahi?

0
Thursday June 10, 2021 - 19:46:39 in News by
  • Visits: 1975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Waran-cadde Muxuu Ka Yidhi Isbahaysiga Ay Samaysteen Xisbiyada Mucaaridka Ahi?

    Siyaasi Cali Waran-cadde Muxuu Ka Yidhi Isbahaysiga Ay Samaysteen Xisbiyada Mucaaridka Ahi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Waran-cadde Muxuu Ka Yidhi Isbahaysiga Ay Samaysteen Xisbiyada Mucaaridka Ahi?


Hargeysa(HWN):-La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan isbahaysiga ay Xisbiyada Mucaraadku sameeysteen, loolanka loogu jiro guddoonka Baarlamaanka iyo aragtidiisa ku waajahan Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay.




La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Waran-cadde wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Anigu Xisbiyada iyo Dawladda wax badan baan ku soo jiray, wax imika inoogu horeeysa maaha, hore ayey u dhacday in Xisbiyo Mucaarad ah is bahaystaan, wax farqiya iyo mucjiso ay keentay midna ma jirin, Xisbiyaduna way jireen Dawladduna way shaqeeynaysey, imikana kuwa hore u jiray wax ay kaga duwan yihiin ma jirto, anigu waxaan qabaa wax alaale wax dhibaato ah oo ay leedahay iyo wax mushkilad ah oo laga baqaa midna in aanay jirin”.


Mar uu ka hadlayey loolanka loogu jiro guddoonka Baarlamaanka wuxuu yidhi "Waa la tartamaa ee wuxuu tartankaasi soo saaro ayaa lagu kala baxayaa, ee waxaynu sugi doonaa marka wax la kala gurayo, siday wax u soo baxaan ayeynu sugi doona haddii ILLAAHAY yidhaahdo..”


Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka wuxuu yidhi "Waxyaabaha aan runtii aad u bogaadinayo waxaa ka mid ah waxaa la damcay in lagu riixo qabyaalad, dad aan ogolayn horumarkeena iyo wanaaggeena ee dhegta wax u saara bulshada qaarkood, laakiin Doorahada waxaa ka soo baxay inay ummadda reer Somaliland nacday qabyaaladdii, oo ninka u codka badani uu noqday dadkii aan hore u iman jirin meesha, taasi markaas waxay keentay in Shacabka iyo umadduba ka guurtay qabyaaladda, waxaan qabaa Somaliland in aanay ciddina u baqayn oo aynu ka baxayno qabyaaladdii, ceebihii iyo gobolalaysigii oo aynu u baxayno iyo maxaa u dan ah qaranka, markaas anigu wax werwer ah oo aan ka qabaa ma jirto”


Loading...
Loading...