Muuse Biixi Muxuu Ka Yidhi Guuldarada Haweenka Ka Soo Gaadhay Doorashooyinkii Deegaanada Iyo Wakiilada?

0
Thursday June 10, 2021 - 13:05:08 in News by
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Muxuu Ka Yidhi Guuldarada Haweenka Ka Soo Gaadhay Doorashooyinkii Deegaanada Iyo Wakiilada?

    Muuse Biixi Muxuu Ka Yidhi Guuldarada Haweenka Ka Soo Gaadhay Doorashooyinkii Deegaanada Iyo Wakiilada?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Muxuu Ka Yidhi Guuldarada Haweenka Ka Soo Gaadhay Doorashooyinkii Deegaanada Iyo Wakiilada?


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi ayaa ka hadlay guuldarada doorashadii goleyaasha deegaanada iyo wakiilada ka soo gaadhay haweenkii tartamayey.

May be an image of 2 people


Muuse Biixi oo ka hadlay kulan uu ku qaabilay Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay inuu ka xun yahay guuldarada haweenka ka soo gaadhay doorashooyinkii dalka ka dhacay, isaga oo tilmaamay in xukuumadiisu samaysay wax kasta oo haweenka u fududaynayey guul ay gaadhaan.

Muuse Biixi oo ka hadlaya talaabooyinka ay xukuumadiisu u dejisay guul ay haweenku gaadhaan ayaa waxa uu yidhi "Waxaynu ku dedaalnay in doorashadii dhacday ay haweenku qayb ka helaan, xukuumad ahaana anagu waxaanu soo jeedinay in kooto loo sameeyo oo baarlamaanka ayaa naga soo diiday, waxaanu ka hawl galnay in wixii carqalad ku noqon kara haweenka iyo dhalinyarada aanu ka dhaafno, dhaqaalihii lagu waajibiyey in qofka doorashada galayaa uu biyo waanu ka dhaafnay hablaha.”

Sidoo kale Muuse Biixi oo ka waramaya sida uu uga xun yahay guuldarada soo gaadhay haweenkii ka qayb galay doorashooyinka ayaa waxa uu yidhi "Nasiib daro waxaanu ka xunahay in wixii aanu hirgelinay aanay waxba ka soo naaso cadaan oo aanay hablihii ku guulaysan doorashada marka laga reebo laba ilaa sadex soo baxay”


Loading...
Loading...