Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qaranka Somaliland iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Xaaji Cabdi Waraabe

0
Saturday May 11, 2019 - 08:57:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qaranka Somaliland iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Xaaji Cabdi Waraabe

    Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamida Odayaasha waa-weyn ee haldoorka Qaranka Somaliland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qaranka Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ( Cabdi Waraabe ) oo 10 May 2019 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.



Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamid ahaa Odayaashii Guurtida ahaa ee ay mudada dheer kasoo wada-shaqaynayeen dhismaha Qaranka Somaliland ayaa waxa xusay in Xaaji Cabdikariin Xuseen ahaa geed damala oo ilaa dhalinyaro-nimadiisii kasoo shaqaynaayey danbeeyey danta guud iyo halka ay ku jirto maslaxada ummaddu


Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) ayaa sidoo kale xusay doorkii lama ilaawaanka ahaa ee uu kasoo qaatay aas-aaskii Golaha Guurtida Somaliland oo Xaaji Aadan qudhiisu kamid ahaa Odayaashii aas-aasay, iyo sidoo kale doorkii muga iyo miisaanka lahaa ee Xaaji Cabdikariin kasoo qaatay dhismaha Qaranka Somaliland iyo Nabadayntii Beelaha walaaha ah ee wada degan Somaliland.


Ganacsade Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) ayaa gaba-gabadii waxa uu u duceeyey Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf in ilaahay janadii fardawsa geeyo macii rasuulka SCW ka yeelo kitaabkiisana midigta kasiiyo.. Aamiin Aamin


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...