Haweeney Toban Caruur Ah Oo Mataane ah Dhashay
Haweeney
u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa la sheegayaa in ay dhashay 10
canug oo mataane ah, taas waxay ka dhigeysaa in ay jebisay rikoorkii
horey ugu yaallay caalamka.
Gosiame
Thamara Sithole, seygeeda wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay
arrintan, ayna markii hore u haysteen in 8 canug ay caloosha ku sido.
"Waa
7 wiil iyo 3 gabdhood. Aad ayaan u faraxsanahay. Shucuurteyda laga
qiyaasi karo. Hadal badanna ma karo," ayuu yiri Teboho Tsotetsi. Wuxuu
warbaahinta kula hadlay Pretoria ka dib markii carruurta ay u dhasheen.
Saraakiisha
caafimaadka ee Koonfur Afrika ayaa BBC u xaqiijiyay arrintan, balse mid
kale oo ka tirsan masuuliyiinta ayaa tilmaamay in aysan weli arkin
carruurta.
Maamulka
haya rikoorka Caalamka ee Guinness World Records, wuxuu BBC u sheegay
in ay arrintan mataanaha Sithole ay weli baarayaan.
Haweeney
u dhalatay Mareykan oo 2009-kii halmar dhashay siddeed canug ayaa hadda
haysata rikoorka caalamka ka dib markii carruurteeda oo dhan ay
badbaadeen.
Bishii la soo dhaafay, gabadh 25 sano jir ah oo u dhalatay Maali, Xaliima Ciisa, ayaa dhashay sagaal canug,
oo la sheegay in xaaladdooda caafimaad ay weli wanaagsan tahay. Iyada
iyo carruurteeda waxay ku sugan yihiin cisbitaal ku yaalla Morocco.
Aalaaba carruurta badan ee mataanaha ah ee halmar wada dhasha way dhintaan, sida ay ku warrameyso weriyaha arrimaha caafimaadka ee BBC Afrika, Rhoda Odhiambo.
Mataane
ka badan seddax waa arrin aad ugu yar caalamka, waxaana badanaa
dhibaato noqota umusha iyo caafimaadka carruurta ee dhowrka bilood ee
ugu horreeya.
Balse, mataanaha ku dhashay South Afrika, waxaa la sheegayaa in si dabiici ah ay u soo bexeen.
Ducada iyo habeenno hurdo la'aan ah
Ms Sithole, oo 37 sano jir ah, waxay horey u dhashay mataane laba canug ah oo hadda lix sano jirro ah.
Waxaa la sheegayaa in hadda xaaladdeeda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay. Waxay carruurtan uurka ku siday 29 isbuuc, waxayna Isniintii ku dhashay cisbitaal ku yaalla Pretoria.
Bil ka hor, mar ay warbaahinta Pretoria la hadashay Ms Sithole waxay sheegtay in uurkeeda "ay dhibaato badan kala kulantay bilowgii" ayna aad ugu duceysatay in si nabad ah ay u dhasho, ayna habeenno badan hurdo la'aan noqotay, iyadoo ka walwaleysay waxa ku dhici kara.
"Sidey caloosha u wada qaadi kartaa? Ma badbaadi doonaan?" ayey is weydiisay. Balse dhakhaatiirta waxay u xaqiijiyeen in caloosheeda ay si wanaagsan u fideysay.
Markii
loo maleynayay in ay 8 canug siddo, waxay Sithole ka xanuunsaneysay
lug, waxayna dhakhaatiirta ogaadeen in labo ka mid ah carruurta ay ku
jireen dhinac khaldan.
"Taas
waa la xalliyay, ka dibna waan caafimaaday. Waan sugi la ahay in aan
arko carruurteyda oo koreen," ayey u sheegtay wargeys ka soo baxa
Pretoria.
Seygeeda wuxuu sheegay in uu dayaxa marayo uuna dareemay sida "in uu yahay qof uu alle doortay. Waa mucjiso aan ku mahdinayo".
Horey, laba goor oo keli ah ayey mataane 10 ah dunida ugu dhasheen sida la diiwaangeliyay. Dhammaantoon ma aysan badbaadin, waxayna wada dhinteen isbuucyo gudahooda.
BBC