Xogo Cusub Oo Laga Helay Kulan Labaad Oo Muuse La Qaatay Xildhibaano Beeshiisa Ah Oo Damac Kaga Jiro Maayarka Hargeysa

0
Wednesday June 09, 2021 - 22:54:27 in News by
  • Visits: 5796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xogo Cusub Oo Laga Helay Kulan Labaad Oo Muuse La Qaatay Xildhibaano Beeshiisa Ah Oo Damac Kaga Jiro Maayarka Hargeysa

    Xogo Cusub Oo Laga Helay Kulan Labaad Oo Muuse La Qaatay Xildhibaano Beeshiisa Ah Oo Damac Kaga Jiro Maayarka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogo Cusub Oo Laga Helay Kulan Labaad Oo Muuse La Qaatay Xildhibaano Beeshiisa Ah Oo Damac Kaga Jiro Maayarka Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Tartanka loogu jiro xilka maayarka caasimada Hargeysa ee u dhaxeeya mudanayaasha la doortay ee golaha deegaanka caasimada ayaa sii kululaanaya iyada oo aan wali la mudayn fadhiga ugu horeeya ee ay mudanayaashu yeelan doonaan.

Muuse Biixi oo sheegay in DFS ka baxday wadahadaladii Jabuuti – Puntland Post


Cabdikariim Axmed Mooge oo wakhti hore shaaciyey inuu u tartamayo xilka maayarka Hargeysa isla markaana cod badan ay shacabku ku siiyeen ayey ku furmeen degaalo siyaasadeed oo kaga dhex istaadhmay xisbiyada mucaaridka ah iyo xisbiga muxaafidka ah.


 

Waxa jira laba kulan oo madaxweyne Biixi la kala yeeshay maanta Xildhibaan Ismaciil Muuse Sheekh Adan Dhako oo ka soo baxay xisbiga Waddani kaasi oo uu wehelinaayay xildhibaan Jamaal Adan Diiriye oo ahaa xildhibaankii ay isku lamaanaayeen iyo xubno dhowr ah ah oo ka soo jeeda beeshooda oo ah bariga Hargeisa.


 

Kooxdani galbinaysay xildhbaan Dhako ayaa uu madaxweyne Biixi uu ku qaabilay gurigiisa halkaasi oo ay ku heshiiyeen in Maayarka la siiyo beeshiisa mayar ku xigeenkana la siiyo beesha Isaxaaq, Muuse Biixi ayaa Maayarka caasimada u doonaaya xildhibaan Siciid Jaamac oo ka soo baxay xisbiga Kulmiye isla markaasina ah beeshiisa.


 

Dhanka kale madaxweyne Biixi ayaa kulan carab laalaadis ah la yeeshay xildhibaanada taageersan Abdikariin Axmed Mooge kulankaasi oo warbaahinta la soo galiyay ayaa ah mid jiho habàabin.


 

Kulanka maanta uu madaxweyne Biixi la yeeshay xildhibaan Abdikariin ahmed Mooge iyo xildhibaanadii mucaaridka ahaa ee warbaahinta maanta ka soo muuqday kuma uu jirin xildhibaan dhako oo uu Muuse Biixi u wado maayar ku xigeen kaasi oo ka soo baxay xisbiga Waddani hadana ainsan mabaadiida xisbiga Kulmiye taasi oo buuq iyo cadho ka dhex dhalisay dadkii soo doortay.


Loading...
Loading...