Omar Ali Abdi Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Kabaxay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf

0
Saturday May 11, 2019 - 08:53:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Omar Ali Abdi Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Kabaxay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf

    Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun, kuli nafsin Daa,iqatal mowd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun, kuli nafsin Daa,iqatal mowd. Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh

Uga soo gudbinayaa dhamaan uma Afsomaliga ku

Hadasha, gaar ahaana umada reer Somaliland iyo

Eheladii iyo qaraabi, Geeridu waa xaq Xaaji Cabdikariin

Xuseen Yuusuf oo tii alle u timid maanta ah 5tii bisha

Barakeysan ee rabadaan oo ku began 10.05.2019.

Tixdani waa baroordiiq Geeriyada X. Cabdikarim.



Tacsi/baroordiiq

Dire: Omar Ali Abd Stavanger, Norway

Doon baynu wada saaranahay ruuxba goordiye

Damal baa ka baxay geliyaday debec ku noolayde

Dirka magaca soomaaliyeed daaqad baa maqane

Xigmag duuga ah baa naga luntiyo deris walaaleyne

Diirdiiranaan iyo go’aan ereyo dug weyn leh

Alleylee wuxuu daah u go’ay daacadnimo guude

Dermo nabad u taal buu ahaa maalintii darane

Ee ma Cabdaa daliilkii u yimid daa’iqatal mowd?

Mar hadaanay daartani ahayn degel la joogaayo

Oo uu Rasuul (SCW) dooranaa daayin uga yeedhay

Ama aan baroor laysku daro la isku deyneynin

Oo malag diyaar ahi wakhtiga qalin ku duugaayo

Waa inaan daryeelaha ilaah duco su’aalaaye

Naxariis ku deeq oo alloow aan qabrigu diiqin

Degdegna uu jawaab sugan u helo dalab malaa’iigta.

….Ameen jaa rabi ilaahow su’aasha u fududee…

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...