Ma Hadhooyinka Doorashadii Somaliland May 31, 2021

0
Wednesday June 09, 2021 - 10:40:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma Hadhooyinka Doorashadii Somaliland May 31, 2021

    W/Q:Cabdikariim M Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Cabdikariim M Cali

Alle mahad dhamaanteed iska leh kusoo dhameeyay doorashadii Somaliland dhib la’aan. Maanta oo todobaad laga joogana wali cabasho ama dhibaato kamaynaan maqal. Guushan ILAAH sokadii waxa iska leh dadka reer Soomaaliland, xukuumadooda, iyo si gaara guddiga doorashada oo Riyo Raac gadhwadeen u ahaa. Arimaha xusida mudan ee doorashadan dhacday waxa kamida kuwan hoos ku xusan,



Guusha Batuun iyo Mooge oo indhaha u furaysa siyaasikasta oo damac kale hoggaanka dalka inuu hanan karo quluubta dadka qabiil la’aan.


Ma dhacdada dunida inteedabadan aan ka dhicin gaar ahaan waxa loogu yeedho dunida 3aad, in xisbigii talada hayay lagaga guulaysto doorashada. Amaantana celinkaro Madaxwayne Muuse Biixi iyo gudida doorashada.


Ink kharashkii doorashada 75% ay bixisay dawlada Somaliland


Turxaan la’aanta ilaa hadda cidna aanay cabanayn oo ay muuqato in lagu qancay natiijadii doorashada.


In inta cabanaysa, ay farta ku fiiqayaan naftooda. Way yartay cid ka canaanaysa dawlada ama gudida doorashada.


In guddiga doorashadu si hufnaan leh oo aan eexi ku jirin u qabteen doorashada.


Inta la ogyahay xukuumada jirta ee madaxwayne Biixi oo faraha ka laabtay faragalinta doorashada.


In gidaarkii dhalanteedka ahaa ee in lakala tiro badanyahay ama qabiil ahaan loo kala sareeyo meesha ka sii baxaayo taana Batuun markhaati u yahay.


Haddaba inkastoo ay guulahaasi dhaceen, waxa xaqiiqa ah in wali guusha dhabta ahi ay hadhsanthay taas oo ah maxaa iska badali doona nolol maalmeedka dadka shacabka ah iyo xaaladoodii hore. Ma waxay noqon doonaan jarajaro ama salaan kursi lagu koray misii ciddii ay doorteen waxay noqondoonaan kuwo abaalka guda kana shaqeeya in noloshooda la hagaajiyo? Su’aashan wakhtiga ayaa ka jawaabidoona waana loo wada joogi.


Waxa muhiiba in la ogaado in dadkii codka bixiyad cidday siiyeenba mucaarid iyo muxaafidba aanay u dooran mucaaradnimo ama muxaafidnom ee ay u doorteen waxqabad. Waxqabadkaasi uma baahna guul kala sheegasho, is qabqabsi, mucaaradad, imaqlaay iyo i arkaay. In hore loo dhaqaaqo waxay ku xidhnaandoonta inta la wada shaqeeyo ee si loo gaadho rabitaanka iyo riyada shacabka rajada dul dhigay ciday u codeeyeen. Dadku ma rabaan mucaarad buuq iyo xaalad abuura iyo muxaafid caado qaate iyo nacamle ah.


Jagada maayarnimada Hargeysa aad baaloo hadal hayaa gaar ahaan dadbadani waxay u hanqal taagayaan in Ckariim A Mooge loodaayo. Waxa xaqiiqa in shacabka runta loo sheego lana xasuusiyo in Far Kaliyii aanay Fool Dhaqin. Ckariim waa loo hanwaynyahay hadduu helo jagadaas, laakiin haddaanay iskaashan kuwuu lala doortay iyo dawlada dhexe waxqabadkiisa iyo horumarka uu samaynayaa aadbuu u yaraanayaa amaba wuxuu noqonayaa eber. Taana waxaynu arki haddii Mooge helo jagadaas iyo sida ay noqoto wadashaqayntaasi. Waxaan xasuustaa maqaal aan ka qoray Farmaajo kaas oo aan ku xusay in guushiisu ku xidhantahay sida ay u wada shaqeeyaan maamul goboleedyada ee aanay ku xidhnayn sida loogu codeeyay, taas oo oo dhawr sannadood kadib marag madoon aha sida ay u kala fogyiin waxaad rabto iyo xaqiiqada dhulka taalaa.


Waxaan kusoo xidhayaa qormadan, guushan waxa wada leh Soomaali oo dhan waxaanay wax badan ka taraysaa aragtida madaw ee laga aaminsanyahay umada Soomaaliyeed meelkasta ha joogtee oo haddii qarax iyo dhiig la sheegi jiray tana inay Soomaalidu samaynkaraan waxay astaan u tahay in Soomaalidu tahay gob wakhtigu aanu saacidin, ee marka ay fursad helaan waxbadan qaban karaan. Waa cashar afartii Soomaaliyeed ee kale wax kabaran karaan ee aanay u baahnayn in Yurub iyo Maraykan u daba fadhiistaan. Waxay fursad, barasho iyo amaan u tahay madaxwayne Biixi. Waxay fursad ugu tahay in kalsooninada maanta uu kasbaday ku xoojiyo taageerayaashiisa kuna mudeeyo qaybsankii ay keentay doorashadii madaxwaynanimadu. Waxay amaan ugu tahay in doorashadani xilligiisii ay dhacday oo ay si quruxbadana u dhacday. Waxay waxbarasho ugu tahay in cod kii reeraa midk kabadan u uku soo bixi karo haddii uu layimaado barnaamij iibsami kari oo doorashadani ugu horrayso.


ILAAH BAA MAHAD LEH


W/Q:Cabdikariim M Cali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...