Xaal Aan Siiyay Safiya Tusmo.

0
Wednesday June 09, 2021 - 10:29:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xaal Aan Siiyay Safiya Tusmo.

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

Dhaqanka soomaalidda guud ahaan iyo kan gaar ahaaneedba ee Somaliland ayaa ku qotoma mid hablaha la ciseeyo lana huwiyo sharaf waxaana sida uu dhaqankaasi ina farayay goob kasta iyo goor kasta oo la joogo, intan dibbad yaalka la noqday ee la wadhan yahay min New-Zealand ilaa Canada inta ka dhex leh ama ha ahaato kuwa dalkii Somaliland, Somaliya , Killilka Shanaad, Waqooyi BarriKenya amase Jibuuti u dhashaye. Xishoodkaa cidda meel kaga dhacda dhaqankaasi waxa uu ahaa in lagu jafo geed Qudhaanjo leh oo aan loo jixinjixin waase goorma goortaasi? waa goor la dhawri jiray diin iyo dhaqanba, mase ahayn mar la xalaashaday sida iminka wixii la doono in gabdhaha lagu falo oo aan ciddiba xaalayn waxa dhacaya oo sharci iyo dhaqanba uu ku tuntay waxan loogu yeedho Social Media.



Haddaba taasi waxa ay sida caddceedda u soo caddaatay in aan dan laga galin hablihii iyo haweenkii Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Somaliland ka dib sheekadda foosha xun ee uu faafiyay Cabdi Ciise Cajuun oo aan la odhan Karin waa mid leh damiir dadnimo iyo mid Soomaalinimo ama Somalilandimo, isagoo ka talaabsaday si badheedha inuu asturo wax kasta oo ka dhexeeyay isaga iyo Safiyo Tusmo aanay ahayd mid ka caagan dareenka dadnimo iyo mid dad wax soo wadaagay. Waxa uu ka talaabsaday xayndaab kasta oo dabar u noqon karayay inaanu sinaba u faafin ama u faafin karin siro ka dhexeeyay isaga iyo Safiyo Tusmo, oo waliba ahayd hooyo ku dhaqan wadamadda qalaad mid ka mid ah, taasi oo halis ku ahayd iyada iyo caruurteedaba oo waliba aanay sinaba u banaanayn in la faafiyo Documents ay leeyihiin carruurteedda oo aan ahayn kuwii uu sidaa ku fali lahaa, kuwaasi oo ah kuwo aan danbi lahayn. Cabdi Ciise Cajuun iyo iyaga wax ba kama ay dhaxayn wixii uu ku raadsadayna waxay ahayd Faduul, taasi oo sharci gaal iyo mid Islaam toona aanu u banaynayn in uu faafiyo ilamaa iyo uu ogolaanshiiyo ka haysto ciddii lahayd ama haddii aaanay qaangaadh ahayn cidda Masuulka ka ah oo sidaa ogolaato mooyee. Taasi waaba meel soke’e xataa Documents dawladdii lahayd uma fasixi karayn Cabdi Ciise Cujuun waalidka carruurtaa oo aan fasax u siin. Markaa yarkan Cabdi Ciise Cujuun ee gudcurka gudayaa arrinkaa meel fog ayuu ka dooni lahaa, haddii uu ku noolaan lahaa waddamadan Galbeedka oo sharciggaa lala tiigsan lahaa isagoo lagu qaadi lahaa sharcigga Data Protection oo halis ku ah qofka faafiya Documents aanu fasax u haysan oo cid kale leedahay.


Waraysi been abuur ahaa oo uu bixiyay ayuu ku sheegay inaanu isaga ahayn cidda faafisay sirihii qarsoonaa iyo aaminiddii ay aamintay Safiyo Tusmo haddii aanu isaga ahayn yuu dhabarka u saarayaa? Ma sheegin cidda ay ahayd haddii aanay isaga ahayn, taasi aad ayay iigu adkaatay inaan rumaysto mana rumaysan waxaase ka sii yaab badnayd markii mar kale ay soo muuqatay nin lagu magaacabo Mawliid oo ahaa shakhsiggii uu u igmaday inuu faafinta sameeyo, kaasi oo waliba ku hanjabaya inuu sii dayn doono in ka badan1000sawir oo ah Cabdi Ciise Cajuun iyo Safiyo Tusmo kaasi oo leh waxaan ka gaadhsiin doonaa Ramadaan inta ka horaysa oo waliba iskula saxsan inuu sidaa ugu tagri falo Safiya Tusmo iyo xaalkeedda oo isa siinaya awood aanu caddayn cidda siisay ee isaguna sidaa ku fali karo waa yaab iyo yaabka yaabkii!


Mar kale ayay ii sii xaqiiqowday inuu ahaa cidda sawradda faafisay Cabdi Ciise Cajuun ka dib markii uu soo bandhigay hadalo ay isku dhaafsanayaan isaga waa Cabdi Ciise Cajuun iyo Safiya tusmo oo uu si qarsoodi ah hadalka u duubay, taasi oo ay ka codsanaysay Safiyo waxyaabo ku saabsan inuu Samayn lahaa, kuwaasi oo badbaado u noqon lahaa iyada, waase uu ka diidayaa waliba si aad u qalafsan oo bilaa ixtiraam ahayd. Haddii sidii Safiya Tusmo tidhi uu yeeli lahaa, heerka arrinku gaadhay ayay hoos u dhigi lahayd wax badana ka asturi lahayd siddii markii danbe sheekadda uu uga fashilayay dhan kasta.


Sida lagu waydiiyay waraysiggaa in sababta uu u burburay xidhiidhkii ka dhexeeyay isaga waa Cabdi Ciise Cajuun iyo Safiya Tusmo inuu ahaa lacag uu waydiistay inay siiso oo dhan$20,000 waa uu dafiray, laakiin anigu shakhsiyan waan rumaystay inay halkaasi noqon karaysay inay ahayd halkii ama xudunta u noqotay inay kala irdhoobaan Safiya Tusmo iyo Cabdi Ciise Cajuun, taasina waxay dibadda soo dhigtay iimaan daradda Cabdi Ciise Cajuun. Haddii taasi noqoto halka uu ka kala furmay xidhiidhka Safiya Tusmo iyo Cabdi Ciise Cajuun waxa uu mar kale dhabarka u saaraysa dhaqan xumo cusub oo ah in (Ransom) ama madax furasho loo haysto Sawiro gabadhi leedahay. Waa mid kale oo ku cusub dhaqanka Soomaalidda iyo Somaliland labadaba taasi oo aan odhan karo waa mid laf jab ku ah isaga waana mid uu ku xanbaaranayo "wax badso wax beel bay leedahay” isagoo ka dhabeeyay maahmaahdaasi oo ay dushiisa tahay isagoo aan sinaba uga gilgilan karin ficilkaa xun ee uu sameeyay.


Video cusub oo ay soo duubtay Safiya Tusmo Ramadaan dabadeed oo ku beegan dhamaadkii Ramadaan ayaa kor u qaaday in lacag madax furasho ahi jirtya halkii Waraysigaa hore ee Sagal Mustafe Xasan oo ay ku shegtay inuu waydiistay Safiya lacag dhan 20,000 aadna moodaysay lacagtaasi inay badnayd oo ay aad u adkayd in la rumaysto 20,000, haddana Safiya ayaa Video danbe ku caddaysay inuu waydiistay lacag dhan $5000. Qadarka lacagta ahi macno ma samaynayso haddii ay ahaan lahayd 20,000 iyo haddii ay ahaan lahayd $5,000 ee waxa sida caddeedda u soo cadaatay inuu lacag madax furasho ahi ay jirtay taasina waa mid dibadda soo dhigaysa iimaan xumadda mar kale ka soo muuqatay ninka u haysta sawiro iyo video qof ku aamintay nafteedda inkastoo aanu ahayn kii sidaa loo yeeli lahaa oo aanu u qalmin sida uu badka u soo dhigay qofka uu yahay Cabdi Ciise Cajuun.


Waxaan haddaba ku soo afmeerayaa maqaalkan kooban in Safiya Tusmo ahayd gob iskuna dayday wax kasta oo badbaaddo u noqon karayay cid kasta haddii ay noqon lahayd carruurteedda, kuwa la yidhi waa uu leeyahay Cabdi Ciise Cujuun iyo xaaskiisa, haddii ay jiraan iyo ummadda Somaliland iyo kuwa Soomaaliyeed haddii ay ku dhaqan yihiin Ethiopia, Waqooyo Barri Kenya, Jibuuti, Somaliya oo ay ahayd in uu dhawro intaas oo isku dhan iyo sharafta Safiya Tusmo iyo tiisaba. Mase yeelin waxa kaliya uu taransaday waa inuu is baray cid kasta oo aan hore u maqal magaciisa una aqoon qofnimadiisa iskuna baray inuu yahay ma xishoode aan la aamini karin, oo aan sirna ka dhaxayn karin isaga iyo gabadh Soomaaliyeed ama Somaliland u dhalatay inta noloshiisa ka hadhay. Cabdi Ciise Cajuun oo six un loogu hadal hayay Warbaahinta Somaliland iyo ta Soomaaliyeed bilihii u danbeeyay Allow Ceeb ma taransaday?


Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...