Barnaamijka Ma Ogtahay ( Part 2)

0
Wednesday June 09, 2021 - 09:54:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 6278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijka Ma Ogtahay ( Part 2)

    Ma ogtahay jirkeenu wuxuu siinayaa kuleyl ku filan 30 daqiiqo gudahood inuu karkariyo 1.5 litir oo biyo ah!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma ogtahay jirkeenu wuxuu siinayaa kuleyl ku filan 30 daqiiqo gudahood inuu karkariyo 1.5 litir oo biyo ah!.

1. Ma ogtahay haddii aad fadhiisato wax ka badan 11 saacadood maalintii, waxaa jirta 50% fursad aad ku dhiman karto saddexda sano ee soo socota gudahood!.

2. Ma ogtahay adduunka waxaa ka jira ugu yaraan 6 qof oo sidaada oo kale u eg. waxaa jirta fursad 9% ah oo aad midkood la kulmi doontid!.

3. Ma ogtahay hurdada barkin la,aanta waxay yareysaa dhabar xanuunka waxayna adkeysaa lafdhabartaada!.

4. Ma ogtahay qofka dhererkiisa waxaa go'aamiya aabahiis, culeyskiisana waxaa go'aamiya hooyadiis!.

5. Ma ogtahay waxaa jira seddex waxyaalood oo maskaxda bini'aadamka aysan iska caabin karin ogaanshahooda (cuntada, dadka soo jiidashada leh, iyo halista)!.

6. Ma ogtahay sida laga soo xigtay Alberto Einstein haddii shinnida malabku ka baaba'o dhulka, bani'aadamku wuxuu dhiman lahaa 4 sano gudahood!.

7. Ma ogtahay waxaa jira noocyo badan oo tufaax ah haddii aad mid cusub maalin kasta cunto, waxay qaadaneysaa in ka badan 20 sano in dhammaantood la tijaabiyo!.

8. Ma ogtahay waad noolaan kartaa adiga oo aan wax cunin toddobaadyo, laakiin ma noolaan kartid wax ka badan 11 maalmood oo hurdo la,aan ah!.

9. Ma ogtahay dadka qosol badan ayaa ka caafimaad badan kan aan qoslin!.

10. Ma ogtahay caajisnimada iyo firfircoonaan la'aantu waxay dishaa dad aad u tiro badan sida dadka sigaarka caba!.

11. Ma ogtahay maskaxda bina-aadamka waxay leedahay awood ay ku keydiso 5 jeer ka badan macluumaadka wikipedia!.

12. Ma ogtahay maskaxdeenu waxay isticmaashaa qadar la mid ah guluubka laydhka 10-watt ah!.

13. Ma ogtahay jirkeenu wuxuu siinayaa kuleyl ku filan 30 daqiiqo gudahood inuu karkariyo 1.5 litir oo biyo ah!.

 Mohamed Ali Waasuge


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...