Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashooyinkii Wakiillada Iyo Deegaanka

0
Wednesday June 09, 2021 - 09:20:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashooyinkii Wakiillada Iyo Deegaanka

    Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashooyinkii Wakiillada Iyo Deegaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashooyinkii Wakiillada Iyo Deegaanka


Hargeisa(HWN):-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa aabihii suurto-geliyay Dimuqraaddiyada iyo Doorashooyinka, ayaa ka hadlay doorashooyinkii isku sidkannaa ee 31-kii May ka qabsoomay guu ahaan Somalilland.
Shacabka Somaliland oo raadinaya madaxweyne la mid ah DAAHIR RAYAALE - Caasimada Online


"Run ahaantii si fiican bay wax u dhaceen, waanan ku boggaadinayaa Shacabka, Xisbiyadda iyo Komishankii doorashooyinkaas qabtay intaba waan ku Hambalyaynayaa, markaa guul bay ku soo dhammaatay oo Nabadgelyo ayay ku dhacday, waanan hambalyaynayaa Murashaxiintii ka qayb-galay doorashaddaas.

Xisbiyaddu way isbahaysan karraan, waaggii aan anigu joogay way isbahaysteen, markaa waaggaas waxa hadda laga jooggaa 16 sano, laakiin sheekaddaa u eg tii oo kale, balse waxay ku dhammaato aan sugno.

Horta doorashooyinkani way fiicnaayeen oo wax badan oo aannaan haysan ayay maanta haysataa Xukuumaddani, markaa si loo ilaaliyo Caddaalada iyo Sinaanta ummadeenna waxaan talo ahaan u soo jeeddin lahaa in dadka tiradooda la hubiyo oo la gaadho heer gobolkasta la yaqaan tiraddiisa." Ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo khadka telefoonka ugu waraamaayay Telefishanka SAHAN TV.


Loading...
Loading...