Maroodigii iyo lixdii nin ee indhaha la' aa

0
Wednesday June 09, 2021 - 09:04:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maroodigii iyo lixdii nin ee indhaha la' aa

    Wuu yeelay oo wuu u fuliyay boqorku codsigoodii, balse waxa uu shardi uga dhigay in uu nin walib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuu yeelay oo wuu u fuliyay boqorku codsigoodii, balse waxa uu shardi uga dhigay in uu nin walib

Maalin maalmaha ka mid ah lix nin oo indho la' a oo magaalo ku nool ayaa waxa ay maqleen in la magaaladooda la keeni doono maroodi; si uu maroodigaasi uga qeyb qaato dabbaal deg sanadeedka ay qabsadaan. 
Waxa ay u tageen boqorkii magaalada maamulayay si uu ugu fasaxo inay maroodiga gacmohooda ku taabtaan ; maxaa yeelay waligood may arkin oo ma aysan suuraysan sida uu egyahay.


 Wuu yeelay oo wuu u fuliyay boqorku codsigoodii, balse waxa uu shardi uga dhigay in uu nin waliba marka uu taabto maroodiga uu sifeeyo ama tilmaamo sida uu maroodigu u egyahay.

Markii la gaadhay maalintii uu dhacayay dabbaal deggu, waxa ka soo qeybgalay dadkii magaalada oo dhan iyo boqorkii. 
Lix dii nin waxa ay si hal-haleel ah u hareereeyeen maroodigii, nin walibana waxa uu maroodiga ka taabtay halkii ay gacantiisu kaga beegnayd. 

Markii ay gacanta ka buuxsadeen, waxa ay bilaabeen inay sifeeyaan maroodigu sida uu egyahay, yaga oo hortaagan dadkii iyo boqorkii.

kii koobaad ayaa yidhi: Maroodigu waxa uu u eegyahay xadhig.
kii labaad ayaa isaga oo yaabban yidhi: waa maxay maroodiga iyo xadhigan aad sheegaysaa?!, maroodigu waa gidaar.

kii saddexaad ayaa qoslay oo yidhi: xadhig, gidaar bal nacsnimadan eega!. Maroodiguba waa daab-cad/ toorri weyn.
kii affaraad ayaa isaga oo jeesjeesaya yidhi: waxa aad maroodiga ku sheegteen waa waxba kama jiraan, sidoo kale waxay dadka oo dhan ka aaminsanyihiin waa qalad. Maroodiga la inoo sheegaaba waa mas buuran oo bilaa waabey/ sun ah.

kii shanaad ayaa yidhi: Waa maxay jaah-wareerkan idin helay , maroodigu wax kale maaha, ee waa babiso weyn oo harag ka sameysan.

kii lixaad baa qosol oodda jabsaday oo yidhi: Malaa waxa aad taabateen maroodi muu ahayn , maroodiguba waa geed jiriddii.

Ammintii lixda nin mid walibaa uu sifeynayay maroodiga, dadku wey qoslayeen- waxaanay ku qoslayeen tilmaamaha maadda ah ee lixdi nini ku sifaynayeen maroodiga- boqorka mooyane. Waa uu dhuuxayay hadalkooda oo waxa uu dhuganayay xikmadda iyo murtida ka danbeysa tilmaamohooda.

 Markii ay dhameysteen ayaa uu soo istaagay boqorkii, waxaanuu dadka faray in ay aamusaan.Waxa uu yidhi" maxaad ku qoslaysaan?, nin walibaa run ayuu sheegay marka loo eego dhanka uu ka taabtay jidhka maroodiga.".

ka koobaad waxa uu yidhi waa xadhig waayo waxa uu taabtay saynta maroodiga. Ka labaadi waxa uu yidhi waa gidaar waayo waxa uu taabtay bogga maroodiga.

 Ka saddexaadi waxa uu yidhi waa toorri weyn, waayo waxa uu taabtay foolka maroodiga. Ka afaraadi waxa uu yidhi waa mas buuran waayo waxa uu taabtay gacanka maroodiga. Ka shanaadi waxa uu yidhi waa babiso harag ka sameysan waayo waxa uu taabtay dhagaha maroodiga ee ballaadhan mid kamid ah. Ka lixaadi waxa uu yidhi waa jirid waayo waxa uu taabtay lugta maroodiga ee adag.

sidaas ayaa uu mid walibaa u haleelay qeyb kamid ah xaqiiqda jidhka maroodiga . Haseahaatee gefka weyn ee ay galeen waxa weeye, dhamaantood iskumay dayin inay dhinacyo kale ka eegaan oo ka taabtaan maroodiga, taas ayaa keentay in uu mid waliba isku qanciyo in uu isagu saxsanyahay oo uu gartay hummaaga maroodiga. 
Innaguna sidaas oo kale marka aynu aragno qeyb xaqiiqda ka mid ah, waxa aynu aaminnaa qeyb taasi in ay tahay ta saxda ah. 
Dabadedd weynu ku gacan adeygnaa, weynu u eexanaa, waxeynu la dagaalanna cid walboo ka hortimaada ama dhaliisha, oo waxa aynu la dagaalanaa ra' yiyada dadka kale; waayo xaqiiqda dhinacyadeeda kale kameynaan eegine hal dhinac uun baynu ka eegnay.
ha ku eedayn qof kale in uu kaa feker iyo ra' yi duwanyahay, waayo dhanka aad wax ka eegtay isagu kama eegin.

~ Unays Shacrawi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...