Buugga ugu weyn adduunka

0
Wednesday June 09, 2021 - 08:57:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buugga ugu weyn adduunka

    Waxa uu ka koobanyahay 10,551 ( toban kun Shan boqol konton iyo koow) bog,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu ka koobanyahay 10,551 ( toban kun Shan boqol konton iyo koow) bog,
Gabadhan waa Nuura, Waxay u dhalatay dalka Aljeeriya,
Waxay soo jiidatay indhaha caalamka kadib markii ay qortay buugga ugu weyn dunida.
Buuggeeda waxay cinwaan uga dhigtay Albaabada guusha(ابواب النجاح),

Waxa uu ka koobanyahay 10,551 ( toban kun Shan boqol konton iyo koow) bog,
Buuggan culeyskiisu waa waa 45kg, dhererkiisuna waa 57cm.


Waxay ku qortay buuggeeda kumanaan xikmadood, talooyin, iyo hadallo ku saabsan nolol-maalmeedka iyo hab-dhaqanka bulshada,

Nuura waxay ku jirtaa da'da soddomeeyada, waxayna ka soo jeedaa gobolka Satiif ee bariga Aljeeriya, waana ardayad jaamacadeed.

Mar la waraysanayay waxay tiri: Riyadayda qoraanimo waxay soo bilaabatay aniga oo 13 jir ah, waxaan buug gaar ah ku qori jiray hadallada murtida leh ee aan maqlo,

Waxay intaas ku dartay: Waxaan buuggayga ku uruuriyay dhammaan xikmadihii aan qori jiray yaraantayda,
Waxaan muddo iska joojiyay shaqadayda si aan waqti u geliyo buuggan cusub,

Maalin kasta waxaan ku mashquulsanaa qorista buuggan, 18 saacadood oo kamid ah 24 ka saacadood ee maalintii ayaan wax qori jiray, waxaan ka go'ay dunida inteeda kale,

Taasi waxay ii suuragelisay in aan sanad gudihiisa ku dhameeyo qorista buuggan.

Dadka dunida ku nool qaar badan oo kamid ah Waxay leeyihiin riyooyin iyo hadafyo,haddana waxaa la is

 dheeryahay ka dhabaynta iyo ka gungaarista riyooyinka.

Turjumiddii: Abdurrahman Caqiil
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...