Taariikh Kooban Oo Xaji Cabdikariim Xuseen Alle Ha U Naxariisto
INAALILAAH WA INA ILEYHI RAAJICUUN
WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO
XAJI CABDIKARIIM XUSEEN ( CABDI WARAABE ) AHN ( 1904/5 ilaa 2019 )
ALLE HA U NAXARIISTO XAJI CABI WARAABE OO GEERIYOODAY MAANTA " 10 - 5 - 2019 " JIMCE ( Ramadan 5 1440 Hijriah )
" ☘SUMADII NABADDA????" ama "???? ASTANTA NABADA ☘"
Xaaji Cabdikariim xuseen Alle ha u naxariisto e oo loo yaqaano Xaaji
Cabdi waraabe waxa uu ku dhashay masalaha Hargeisa laagta Uubaale.
Xaaji Cabdikariim waxa uu dhashay sida uu sheegay gugii caanka ahaa ee Caano wayne ee jiilaalkiisuna noqdey xaaraamo cune.
Qiyaastii taariikhdaasi oo aan filayo in ay tahay sanadihii u dambeeyey qarnigii 19naad ama horaantii qarnigii 20naad ba.
Waxa Aabihii la dilay isaga oo yar oo jira 37 habeen, markii uu
koray ee la yidhi Aabahaa u soo aar oo ninkii diley loo tilmaamay ayuu
ninkii halkuu deganaa tagey una marti noqdey.
Ninkaasina si wanaagsan ayuu u martigaliyey sida aan xaajiga dhawr
goor ka dhagaystay isaga oo ka waramaya, dabadeed markii waagii baryey
ayuu isku sheegay una sheegay ujeedadii uu u socday.
Iyo in aanu u aareyn Aabihii ee uu saamaxay, sida taariikhda lagu
xuso, xaaji Cabdi oo nin dhalinyaro ah ahaa ayaa waydiistay in uu inan
siiyo oo uu isagu Aabo u noqdo, ninkaasi xaajiga Aabihii ayey wax isku
ahaayeen oo awowbuu ugu toosnaa Xaaji Cabdi.
Ninkii waxa uu Xaajiga siiyey inan yar oo uu dhalay oo markaa
yarayd, sidaasi ayuu xaaji Cabdi ugu noqdey beeshiisii ku soo talisay in
uu aabihii u aaro, dabadeed markii u waramayna la isla qaatey in uu
isagu ka talo wanaagsanaa.
Xaaji Cabdi Alle ha u naxariisto e waxa uu noqdey nin nabadeed
maadaama oo taariikhda somalida cid nabad qaadataa oo Aarka diidaa ay ku
yarayd ama aanay jirinba.
Xaajigu waxa uu ahaa Geeljire oo uu ku gaadhay ilaa 25sano jir.
Xaaji Cabdikariim xuseen hooyadii waxa la odhan jirey Qaayibo faarax
shabeel waxaana ay ahayd sacad muuse, Nuux ismaciil oo reer Axmed ah
oo waliba Ba caylo ka sii ah sida uu xaajigu sheegay.
Xaaji Cabdikariim xuseen Alle ha u naxariisto e waxa uu noqday isaga
oo 35 jir ah caaqil oo uu ilaa maanta ahaa , wakhtigaa uu caaqilka
noqday oo ku beegan horaantii 40tamaadkii.
Xaaji Cabdikariim xuseen waxa uu ka mid ahaa ragii taageeray
xisbigii N.U.F oo ay xataa suldaankiisii suldaan cabdilahi diiriye isaga
horyimaadeen sida uu sheegay xaajigu.
Suldaanka iyo farax oomaar oo iyagu isku mabda'a ahaa oo doonayey in
aan gumaystuhu dhulka ku nagaan iskuulna ka dhisin wadona ka sameyn ee
lala dagaalamo ayaanu ka hor nimi ayuu yidhi xaajigu.
Xaaji Cabdikariim xuseen waxa uu ilaa maalintaa uu diiday in uu
Aabihii u Aaro ilaa maanta uu ka shaqeeyaa nabad iyo islaax umadeed.
Xaaji Cabdikariim Alle ha u naxariisto e waxa uu ka mid noqdey
golihii guurtida ee madaweyn lagu dhisay dabayaaqadii 80tamaadkii oo uu
ilaa maanta ka mid ahaa.
Xaaji Cabdikariim waxa uu ku jiray ilaa intaa guurtidu dhisnayd
inteedii badnayd gudida joogtada ah ee golaha Guurtida isaga oo inbadana
gudomiye gudi ahaa.
Xaaji Cabdikariim Alle ha naxariisto e waxa uu ahaa ragii dhidibada u
taagey ee aas-aaska u ahaa qaranka jamhuuriyada Somaliland wax aanu
ahaa shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee ka sii noolaa ragii hore isaga
iyo
sh.Abdilahi sh. Ali Jawhar, ragaasi oo ay ka mid ahaayeen sheekh ibraahim, sheekh
Axmed Sheekh Nuux, sheekh khaliif, Suldaan Cabdi , Sheekh muuse goodaad ,
Aw jamac saban, Aw Ahmed cumer giriig iyo rag badan oo kale oo maanta
inaga hooseeya Alle ha u naxariisto e.
Xaajigu Alle ha naxariisto e intaa ay Somaliland jirtey shir
nabadeed kama maqnaan, shirwalbana weeedhiisa ayuu ka dhiibtaa iyada oo
marka dambe tiisa uun loo soo noqdo.
Xaajiga cimrigiisa ilaahay ha u naxariisto e waxa lagu qiyaasaa in
uu ahaa 120 labaataneeyo, xaajiga dadkiisa iyo dadka ay sii dhaleenba
iyaguna waa reero dhan oo dhaqan inkasta oo aanan tiro ahaan ku hayn oo
uu baho badan lahaa.
Xaajigu Cabdikariim Alle ha naxariisto e waxa uu ahaa shaqsiga
sifaatkaa wanaaga ku sifaysan ee islaaxa lagu yaqaano waxaana uu ahaa
odeyga qaranka jamhuuriyada Somaliland.
Xaaji Cabdikariim Alle ha naxariisto e taariikhdiisu maaha mid aynu
halkan ku koobi karno waxa aanan idiinla wadaagayaa in qofwaliba waxa uu
ka soo gaadhay iyo inta uu ka yaqaan inala wadaago.
Xaaji Cabdikariim xuseen " Cabdi Waraabe " waxa laga qorey buug samotalis la yidhaahdo oo lagu ururiyey taariikhdiisa.
Ugu dambayn waxa aan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii iyo guud
ahaan qaranka jamhuuriyada somaliland ee uu ka baxay marxuun Xaji
Cabdikariim Xuseen " Cabdi waraabe " oo aan leeyahay ilaahay samir iyo
iimaan ha inaga siiyo , kaalintii uu inoogu jireyna Alle ha inoo buuxiyo
, isagana waynaha waxa uga baryeynaa in uu janooyinkiisa ta ugu
qaalisan ku casuumo insha Allah.
Aamiin Aamiin Aamiin insha Allah
Muhamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...