Nuxurka Heshiis Dhexmaray Dawladaha Imaaraadka Iyo Soomaaliya

0
Tuesday June 08, 2021 - 12:57:05 in News by
  • Visits: 1412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Heshiis Dhexmaray Dawladaha Imaaraadka Iyo Soomaaliya

    Nuxurka Heshiis Dhexmaray Dawladaha Imaaraadka Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Heshiis Dhexmaray Dawladaha Imaaraadka Iyo Soomaaliya


Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad ah oo ay iskaga kaashanaya ka hortagadambiyada la xidhiidha dhaqaalaha iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada.

Sida uu qoray wargeyska Gulf News heshiiskan waxaa dhanka Imaaraadka u saxeexay Cali Faysal Ba’Alawi, oo ah madaxa waaxda sirdoonka maaliyadda, halka dowladda Soomaaliya ay u saxeexdayAamina Cali, oo ah agaasimaha xafiiska warbixinada maaliyadda.

Ba’Alawi, ayaa sheegay in heshiiskani is-afgaradka ah lagaga gol leeyahay in la iska kaashado islamarkana la isku waydaarsado khibradaha la xidhiidha ka hortaga lacagaha sida sharci darada ah loo kala gudbiyo iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada.

Dowladda Imaaraadka, ayaa sidoo kale heshiis kan la mid ah la saxeexatay xukuumadda Bangaladesh.

Waxaana dowladda Bangaladesh u saxeexay heshiiskan Abu Hena Mohammad, madaxa sirdoonka maaliyadda Bangladesh.




Loading...
Loading...