Badda Caashaq W/Q: Cumar Seerbiya.

0
Tuesday June 08, 2021 - 12:47:35 in Articles by
  • Visits: 1688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badda Caashaq W/Q: Cumar Seerbiya.

    Badda Caashaq W/Q: Cumar Seerbiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badda Caashaq W/Q: Cumar Seerbiya.
May be an image of 1 person and text


Dhammaadkii sannadkii 1973-kii abwaanada Maxamed Cumar Huryo iyo Axmed Saleebaan Bidde oo ku xidhan xabsiga Mandheera ee degmada Berbera waxa maalin duhur ah loo keenay qado waxaana qofkii qada siday oo aan isaga haybtiisa la sheegin uu ku waramay in ay jirto arrin cusub oo ku saabsan Maxamed Cumar Huryo taasi oo ah inay Jabouti u dhoofayso haweenay uu u qabay jacayl ba’an.

Huryo iyo Axmed oo saaxiibo isku dheer ku ahaa xorriyada iyo xabsigaba ayaa warkan wada dhagaysanaya ninkii ayaa ku bilaabay sidan fariintii uu siday " Ina Hebel oo ah gabadhii aad Jeclayd ina Cumaraw (Huryo) waxay u dhoofaysaa dalka Jabouti halkaasi oo uu nin Ogaadeen ahi qabiil ahaan uu ku aroosi doono dhawaan.

Huryo warkan muu jeclaysan maxaa yeelay ballantoodu waxay ahayd inay sugto inta uu xabsiga ka soo baxaayo , Axmed laftiisu warkan saaxiibkii lama jecla sababta oo ah dhibta uu isagu dareemo waa dhimbiil jirkiisa sidoo kale gubaysa, Ka dib waxay sameeyaan wada tashi , Huryo ayaa ku fikiray inuu xabsiga si uun uga dhaco si uu haweenayda uga baajiyo safarka oo iyadu wali markaasi Hargeysa ku sugnayd , Axmed ayaa isna u sheegay inaysan suurogal ahayn in xabsiga oo ilaalo badan lihi uu ka dhici karo balse uu gabadha fasaxo sidaasina uu ku macasalaameeyo.

Talo ka dib waxa la qaatay tii Axmed isla habeenkii xigay maalinkaasi waxa Huryo ka soo maaxatay heesta ay markii dambe loo dhiibay Sahra Axmed oo ah " Badda Caashaq een gurin” oo ka hadlaysa waayaha ay isla soo mareen Huryo iyo haweenaydan safraysa oo uu isagu aaminsanaa inay tahay tii jacaylka suntiisa ku abuurtay maantana doonaysa inay dhibta kaligii ku dhaafto.

Sheekada heestan dad badani waxay ka dhigaan inay ahayd mid ku wada saabsan Axmed Saleebaan Bidde iyo Maxamed Cumar Huryo taasi oo Huryo Axmed uu u hadyeeyey daroogo ka dibna uu Axmed ka diiday Huryana Axmed uu u heesay isaga oo ku dhahaaya maxaad u diidaysaa adiga ayaaba I baraye , balse Axmed Saleebaan oo ii sheekeeyey ayaa xusay inay tahay mid la majaro habaabiyey sheekada ee ay sidan sax ku tahay.

Haweenaydii way dhooftay waana la guursay , sannadkii 1998-kii Axmed Saleebaan Bidde oo ku sugan magaalada Jig-jiga oo uu joogay xalinta beelo diriray waxa meel maqaayad shaah laga cabo oo ay haweenay haysato horteeda uga baaqay haweenay da’deeda qiyaas ahaan 50 sanno tiro u dheertahay , Axmed ayey isa salaameen ka dibna waxay ugu horrayn weydiisay miyaad I garanaysaa ? is xog waraysi ka dib haweenaydu waxay noqotay gabadhii uu jeclaa.

Maxamed Cumar Huryo oo isagu waqtigaasi 7 sanno ka hor xanuun beerka ka haleelay ugu geeriyooday magaalada Berbera, waxayna u sheegtay in ay degantahay magaalada diridhaba inkasta oo ay kala tageen ninkii ay waqtigaasi isguursadeen.

Badda caashaqeen gudhin
Een cidi ka soo bixin
Aday baraye ma ogtahay
Kolkii aan barriinsaday
Ka baxdaye maxaa dhacay?
Beeneysey wacadkii
Nabsi waa ma baaqdee
Adoo baahan la arkee
Inaan kuu badheedhee
Adigoo bukoodoo
Bogsadaan hawlyari
Bir ku goysayee
Aheey barashadeenii
Buuqiyo walaaciyo
Beerkeyga lahashada
Adaa badayee ma ogtahey
Kolkuu bixiyey laamaha
Uu baahey adigaa
Bar xun igaga leexdee
Nabsi waa ma baaqdee
Adoo baahan la arkee
Inaan kuu badheedhee
Adigoo bukoodoo
Bogsadaan hawlyareyne
Bir ku goysayee
Aheey barashadeenii
Buuqiyo hamiga iyo
Boholyawga xiisaha
Adey barayee ma ogtahey
Kolkuu beleley ololkii
Meel baaxad sooraha
Baryo igaga baydhee
Nabsi waa ma baaqdee
Adoo baahan la arkee
Inaan kuu badheedhee
Adigoo bukoodoo
Bogsadaan hawlyareyne
Bir ku goysayee
Aheey barashadeenii.
FG: dhigaalkan waxa aan kasoo xigtay Magalool

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...